Iyadoo magaalada Muqdisho laga bilaabay bixinta Kaararka aqoonsiga xildhibaanada aan dacwad ka taagneyn ayaa waxaa soo baxaya kuraas la kansalay doorashadoodii.
Kuraasta ugu badan waxaa laga joojiyay maamulka Galmudug, waxayna xogta ay Wadani.com heshay sheegeysaa in Galmudug doorashii Cadaado ka dhacday laga kansalay 5 kursi oo dacwad ka taagan tahay.
Kuraasta Guddiyada Doorashada ay diideen inay aqoonsadaan doorashadii lagu galay Cadaado waxay kala yihiin
Beesha H/Gidir: 2 Kursi
Beesha Murusade: 2 Kursi
Beesha Sheekhaal: 1 Kursi
AKHRISO: Liiska rasmiga ah ee xubnaha la laalay Xildhibaannimadooda
Kuraasan waxaa ugu weyn kursiga uu ku guuleystay Maxamed Axmed (Abtidoon yare) oo ay dacwad ka qortay Caasha Xaaji Cilmi.
Dhibaatada ugu weyn ee hadda soo shaac baxday ayaa ah in xubnaha Guddiga Doorashada ee Galmuduug u joogay iyo xubnaha fadhigoodu yahay Muqdisho uu khilaaf weyn u dhaxeeyo.
Wadani.com