Kulankii toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirada ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo uu guddoomiyey Ra’iisul wasaare asan Cali Khayre.
Shirka Golaha wasiirrada ayaa looga hadlay laba qodob oo kala ah dhibaatada ciidanka Kenya ay ku hayaan Xarumaha Shirkadaha Isgaarsiinta Soomaalida, howlaha muhiimka ah ee sannadkaan la doonayo in la qabto iyo hab-raaca heshiisyada Caalamiga ah.
Shirka ayaa ugu horayn looga hadlay hal-beegyada afarta tubood ku jira ee wasiirradu ay ballan qaadeen in ay fulinayaan sannadkaan 2019, waxaana golohu isku raacay in sannadkaan uu noqdo sannad shaqooyin badan la qabto isla xisaabtankana la dardar-geliyo.
Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa intaa kadib goloha wasiirrada war bixin ka siiyay xaruma ay leedahay shirkadda Isgaaarsiinta Hormuud oo ay burburiyeen ciidanka Kenya. Golaha ayaa isku raacay in dhibaatada xarumaha la gaarsiiyay looga hadlo kulan ay dawladaha Soomaaliya iyo Kenya ku yeelanayaan magaalada Mandheera ee dalka Kenya.
Shirka golaha ayaa ugu dambayn dood dheer looga yeeshay hab-raaca heshiisyada caalamiga ah oo golaha uu usoo gudbiyay garyaqaanka guud ee dawladda.