Liis 10 sano jirsaday oo ay ku qoran yihiin shaqsiyaad dil ugu xukuman kooxda Alshabaab ayaa dhowaan la helay.
Liiskan oo soo baxay sanadkii 2007 oo ahayd bilowgii Alshabaab oo xilligaasi ku hoos jiray Maxkamadihii islaamiga waxaa ku qoran saxafiyiin lagu sheegay jawaasiis oo maxkmad Alshabaab ah ay dil ku xukuntay, iyadoo qaarkood lagu sheegay inay keligooda murtadiin yihiin, halka iyaga iyo qoyskooda lagu sheegay inay isku dembi yihiin.
Liiskan oo aan la xaqiijin karin xaqiiqadiisa waxaa ka muuqda saxafiyiin badan iyo dad kale oo la laayay, iyadoo ay khaarijisay kooxda Alshabaab.
HOOS KA AKHRISO LIISKA