Waxaa maanta magaalada Jabuuti ka furmaya shirkii ugu horeeyay ee heer sare ah oo ay yeelanayaan madaxda Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoo ay hogaaamineyso dowladda Jabuuti, shirkuna ay abaabushay Dowladda Mareykanka.
Wafdiga dowladda Soomaaliya ayaa ah kii ugu heer sareeyay ee noociisa ah, waxaana Soomaaliya uga qeyb galaya mas’uuliyiinta kala ah:
1- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
2- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh
3- Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Xasan Cali Kheyre
4- Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye
5- Wasiirka Batroolka iyo Macdanta C/rashiid Maxamed Axmed
6- Wasiir ku xigeenka Dastuurka Xuseen Cabdi Cilmi
7- Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim
8- Xeer ilaaliyaha guuud Suleymaan Maxamed Maxamuud
9- Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee dib u eegista Dastuurka Maxamed Daahir Faarax

Shirka oo qeybo kala duwan u dhici doona kadib furitaanka oo ay ka qeybgeli doonaan Madaxweynayaasha, Madaxweynaha Jabuuti, Ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo wakiilada Beesha Caalamka ayaan weli la shaacin ajendayaashiisa, waxaana dowladda Mareykanka ay dhinacyada oo dhan ku riixeysaa inay qaataan waqtigii ay doonaan si ay u gaaraan heshiis.