Alshabaab ayaa 27 – 28-ki June Xukunno toogasho ah oo degdeg ku fulisay tiradii ugu badneyd xubno lagu soo eedeeyay Basaasiin u shaqeeya sirdoonka dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska.
Dadka la toogtay ayaa midkood waxay ahayd haweeney, waxaana xukunka lagu fuliyey ee Toogashada amray maxkamadaha Alshabaab, iyadoo dilalka ka kala dhaceen Gobollada J/Dhexe iyo Baay.
Dhammaan dadkan la dilay ayaa la sheegay inay qirteen denbiga lagu soo oogay, waxaana lagu xukmay xadka Murtadnimada, iyagoo goobo fagaare ah lagu fuliyay toogashada, waxayna tallaabada Alshabaab timid markii Puntland ay 21 qof oo Alshabaabnimo lagu eedeeyay ay ku toogatay intooda badan magaalada Gaalkacyo.
HOOS KA AKHRISO MAGACYADA 16 QOF OO AL-SHABAAB TOOGASHADA KU DISHAY
Degmada Saakow waxaa 27 June lagu dilay dadka kala ah:
1- Cumar Cabdi Qaadir Hiiraale (36 sano jir), lagu eedeeyay inuu u shaqaynayay sirdoonka Maraykanka.
2- Cabdi Xassan Axmed oo (29 sano jir), lagu soo eedeeyay in uu u shaqaynayay sirdoonka Maraykanka ee CIA-da.
3- Fartuun Cumar Abkow (36 sano jir), la sheegay inay u shaqaynaysay CIA-da Maraykanka.
4- Ibraahim Cumar Cali (55 sano jir), ku eedeysnaa inuu la shaqaynayay sirdoonka Maraykanka ee CIA-da.
5- Saadaam Cismaan Maxamed (21 sano jir) lagu soo eedeeyay inuu u shaqaynayay sirdoonka Maraykanka ee CIA.
6- Aweys Xassan Xaaji Maxamed oo da’diisu tahay (36 sano jir) lagu soo eedeeyay inuu u shaqaynayay Sirdoonka Maraykanka.
Degmada Jilib dadka lagu toogtay 28 June 2021, waxay kala ahaayeen:
1- C/raxmaan Axmed Maxamed oo da’diisu ahayd (35 sano jir) lagu soo eedeeyay inuu lashaqaynayay hayadda sirdoonka MI6 ee dowladda Ingiriiska.
2 -Sacad Muuse Xaaji Daahir ooda’diisu ahayd (45 sano jir) lagu soo eedeeyay inuu u shaqaynayay hayadda FBI-da Maraykanka.
3- Cabdow Mad Abow oo da’diisu ahayd (47 sano jir) lagu soo eedeeyay inuu lashaqaynayay mukhaabaraadka Maraykanka ee CIA-da.
4 -Cabdulle Cumar Maxamuud oo da’diisu tahay (35 sano jir), laguna soo eedeeyay inuugacan saar lalahaa sirdoonka Maraykanka.
5- C/qaadir Caddaan Xasan oo da’diisu tahay (49 sano jir), laguna soo eedeeyay inuu la shaqaynayay sirdoonka Maraykanka ee CIA_da.
Degaanka Buula-fuullay ee Baydhaba waxaa 28 June Alshabaab ku toogatay dadka kala ah:
1- Maxamed Cali Maxamed (Mad Nagaay) oo da’diisu ahayd (39-jir sano jir) lagu soo eedeeyay inuu u basaasayay sirdoonka Maraykanka.
2- Sanbuur Ukurow Xasanow oo da’diisu ahayd (38 sano jir) lagu soo eedeeyay inuu la shaqaynayay sirdoonka Maraykanka ee CIA.
3- Xasan Cabdulqaadir Maxamed (Xasan Buuxow) oo da’diisu tahay (39 jir), ku eedeysnaa inuu la shaqaynayay hayadda CIA-da Maraykanka.
4- Ibraahim Xasan Maxamed oo da’diisu tahay (27 sano jir) lagu soo eedeeyay inuu u shaqaynayay mukhaabaraadka Mareykanka.
5- Axmed Maxamed Sheekh Ibraahim (Boorow), da’diisuna tahay (26 sano jir) lagu soo eedeeyay in la shaqeeyay CIA-da Maraykanka.