Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku sii jeeda magaalada Washington ee dalka Mareykanka.
Ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa aya kulamo la yeelan doona saraakiisha Bankiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta ee IMF, waxay kaloo la kulmi doonaan saraakiisha Mareykanka, iyadoo qorshaha shaqo ee wafdiga iyo magacyadooda lagu baahiyey baraha bulshada.
Sida ku qoran jadwalka Wafdiga Ra’iisal Wasaare Kheyre waxay la kulmi doonaan La-Taliyaha dhinaca Amniga Qaranka ee Madaxweyne Donald Trump ninka lagu magacaabo John Bolton.
Wakiiilada Beesha Caalamka oo dhowaan taageeray qorshaha dib u habeynta ciidamada dalka ayaa Ra’iisal wasaare Kheyre ka dalbaday inuu warbixin faahfaahin kula wadaago kulankooda Washington.
Liiska oo aanu xaqiijin, isla markaana beenin xafiiska Ra’iisal wasaaraha waxaa wafdiga ka mida wasiirada Maaliyadda iyo Qorsheynta, Xisaabiyaha guud, Ku-simaha NISA iyo la-taliyeyaasha madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha qaarkood.
HOOS KA AKHRISO LIISKA
