Maalintii koowaad ee diiwaan gelinta Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa waxaa Shahaadooyinka Musharaxnimo qaatay musharixiin badan oo iska xaadiriyay xarunta Aqalka Sare oo diiwaangelintu ka socoto.
Musharixii ugu horeeyay ee qaatay Shahaadda Mushraxnimada xilka madaxweyne ayaa noqday madaxweynihii hore Xildhibaan Shariif Shariif Sheekh Axmed, waxaana kadib shahaadooyinka qaatay musharixiin fara badan.
Diiwaan gelinta aya socon doonta ilaa 10-ka bishan May 2022, waxaana la sugayaa musharixiin cusub oo weli aan is diiwaangelin sida madaxweynayaashii hore ee Xasan Sheekh iyo Maxamed Farmaajo.
Liiska Musharixiinta qaatat shahaadooyinka ayaa kala ah:
1- Sheekh Shariif Sheekh Axmed
2- Daahir Maxamuud Geelle
3- Bashiir Xaaji Cali
4- Cabdulaahi Cali Xasan
5- Cabdulqaadir Cosoble Cali
6- Xasan Cali Khayre
7- Cabdinur Shiekh Maxamed
8- Cabdikariim Xuseen Guuleed
9- Cabdiraxmaan cabdishakuur warsame
10- Cabdiraxmaan Macalin Axmed Ablaal
