Wafdigii ugu balaarnaa ee wasiiro ah ayay dowladda Soomaaliya u dirtay Dalka Sacuudiga, iyadoo ay ka mid yihiin wasiiro iyo la-taliyeyaal.
Wafdigan oo hore loo qorsheeyay ayaa waxaa ka dhex muuqda la-taliyeyaasha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana socdaalkoodu la xiriiraa sidii ay Sacuudiga ugu sharxi lahaayeen mashaariic dowladda Soomaaliya dooneyso in loo maalgeliyo.
Sacuudiga ayaa hore ugu balanqaaday Soomaaliya lacag ku dhow 4 Bilyan oo Doolar oo lagu maalgelinayo mashaariic laga fulinayo Soomaaliya, iyadoo dowladda Soomaaliya laga dalbaday inay la timaado mashaariic ay dooneyso in loo maalgeliyo.
AKHRISO LIISKA WAFDIGA
1. Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga Iskaashiga Caalamiga:
Jamaal Mohamed Hassan (Madaxa Wafdiga)
2. Wasiirka Maaliyada:
Abdirahman Ducaale Beyle Bayle
3. Wasiirka Gaashaandhiga:
Abdirashiid Mohamed Abdalluhi
4. Wasiirka Duulista Hawada:
Abdullahi Mohamed Salad
5. Wasiirka Beeraha:
Saciid Hussein Ciid
6. Wasiirka Gaadiidka iyo Dekadaha:
Maryan Aweys Jamac
7. Taliye Xigeenka NISA:
Abdallah Abdallah Mohamed
8. Agaasime ku Xigeenka Xaafiiska Madaxweynaha:
Abdirisaaq Ahmed Shiikh Mohamud (Shoole).
9. Madaxa Xaafiiska Jaamacada Carabta ee Wasaarada Arimaha Dibada:
Musdhafe Adan (Dagaal)
10- La Taliyaha Madaxweynaha Balal Maxamed Cusmaan
Wadani