Waxa magaalada Baydhabo lagu soo gabagabeeyay maanta wejigii koowaad ee Doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose ee Koonfur Galbeed.
Tirada xildhibaanada la doortay maanta ayaa gaartay 7 xildhibaan oo intooda badan ay yihiin xildhibaanadii hore oo dib u soo laabtay sida Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) .
Hoos ka akhriso Magacyada xildhibaanada Aqalka Hoose ee maanta lagu doortay magaalada Baydhaba iyo codadka ay heleen (Codadka guud ee ergada waa 51).
- Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari 45 cod.
- Daahir Cabdi C/llaahi 28 cod.
- Ibraahim Isxaaq Yarow 51 cod.
- Fowsiyo Maxamed Sheekh 50 cod
- Sheekh Maxamed C/laahi 51 cod.
- C/qaadir Shariif Xasan
- C/wahaab Ugaas Khaliif
Wadani.com