Baarlamaanka koonfur Galbeed ayaa glaabta soo dhameystiray Doorashada xildhibaanada Aqalka Sare u metelaya Koonfur Galbeed.
Doorasho aan loolan adag ka dhicin ayaa ahayd mid sahlan ayaa lagu doortay 6 rag ah iyo laba dumar ah oo noqday senatoorada Aqalka Sare ee Soomaaliya.
Liiska xildhibaanada la doortay ee Koonfur Galbeed uga mid noqonaya Aqalka Sare waxay kala yihiin:
- Cabdikaafi Macalin Xasan
- Xuseen Cali Xaaji Cabdalla
- Cabdulaahi Cabdi Jabriil
- Zamzam Ibraahim Cali
- Timiro Maxamed Cali
- Xuseen Sheekh Maxamuud
- Aadan Cabdi Aadan
- Ilyaas Cali Xasan
Koofur Galbeed ayaa noqonaya Dowlad Goboleedkii labaad ee si buuxda u soo dhameystira Doorashada xubnaha Aqalka Sare kadib maamulka Galmudug.