Guddiga Doorashooyinka Jubbaland ayaa soo saaray liiska iyo habraaca lix kursi oo lagu dooranayo magaalada Kismaayo, kana mida Golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad.
Xubnahan oo ah kuwii ugu horeeyay ee laga soo doorto Maamulka Jubbaland ayaa la dooranayaa Talaadadda 28ka Disembar 2021, waxayna tirsigooda kuraasta iyo xildhibaannada ku fadhiyey, waxay kala yihiin:
1- HOP 082 : Afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Xamza Sheekh Xuseen Colow
2- HOP 108 : Waxa ku fadhiyo Maxamed Cali Cumar
3- HOP 113 ; Baarlamaankii 10-aad waxaa ku fadhiday Wasiirka Dekadaha & Gaadiidka Badda Maryan Aweys Jaamac
4- HOP 134 : Waxaa ku fadhiday Sahra Jaamac Cali (Qorsheel)
5- HOP 203 : Waxaa hadda ku fadhido Sahra Xaaji Xuseen Cali
6- HOP 217 : Waxaa ku fadhiyey Xasan Cabdi Cismaaciil ( Xasan Yare -Firinbi)
Doorashadan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo lagu wado in magaalada Muqdisho ay kulan ku yeeshaan madaxda Golaha Wadatashiga, kaasoo lagu saxayo cabashada Doorashada laga keenay.
