Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Bulshada»AKHRISO MAANSO XIISO LEH: Gabaygii ‘DILAA SARE’ ee Abwaan Tabantaabo

    AKHRISO MAANSO XIISO LEH: Gabaygii ‘DILAA SARE’ ee Abwaan Tabantaabo

    May 5, 20173 Mins Read Bulshada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaan idin soo gudbineynaa Maanso Gabay ah oo uu tiriyay Waxaa tiriyey: Abwaan Maxamed Warsame Tabantaabo.

    Waana gabaygii ‘DILAA SARE’ oo ah gabay xikmad badan ka buuxdo oo xaalad kasta la socda.

    HOOS  KA AKHRISO


    Daliil runah daruus aan ka qoray xaalka degi-waayey
    Dad walaala duul wada dhashoo laysu dacareeyey,
    Soomaalidaan kala didee qoloba daan aaday,
    Dembiyada dhacaayee ka badan miraha deegaanka,
    Dawadaan bukootee dabiib looga dhigay maarta,
    Dembigaan ninkii geystay baan idin dareensiine,

    *****
    Nin wax diley haddii aan la dilin ee la iska sii daayo,
    Waa inuu dilkiisii sii wataa saa la dili-waaye,
    Degdeg weerar waa inuu galaa saa la dili-waaye,
    Nin doorkoo dhan waa inuu dilaa saa la dili-waaye,
    Diin Islaamle waa inuu dilaa saa la dili-waaye,
    Dagaal diide waa inuu dilaa saa la dili-waaye,
    Malcaamadaha waa inuu dunshaa saan la dili-waaye,
    Masaakiinta waa inuu dubaa saa la dili-waaye,
    Dal iyo maalba waa inuu gubaa saa la dili-waaye,
    Dadkuna waa inuu dabargo’aa saa la dili-waaye,
    Dilkuna waa inuu sii bataa saa la dli-waaye,
    Dembigu waa inuu sii kordhaa saa la dili-waaye,

    *****
    Dilaa sare waa inuu usii dallaco saa la dili-waaye,
    Digtatoori waa inuu noqdaa saa la dili-waaye,
    Dastuur gaar ah waa inuu degsado saa la dili-waaye,
    Boqortooyo waa inuu dalbado saa la dili-waaye,
    Duruus beenah waa aqriyo saa la dili-waaye,
    Wejigiisa waa inaan la deyin saa la dili-waaye,
    Waa inaad madaxa hoos uga dedaan saa la dili-waaye,
    Soo dareera goortuu yiraah saa la dili-waaye,
    Waa inaydin deri yeelataan saa la dili-waaye,
    Waa inaad dhamaan daba-gashaan saa la dili-waaye,
    Dadnimo waa inaad kala tagtaan saa la dili-waaye,
    Dullina waa inaad soo baxdaan saa la dili-waaye,
    Dumarkuna durbaannada u tumo saa la dili-waaye,
    Ragguna waa inuu sacab ku daro saa la dili-waaye,
    Duca-qabe waa inaad dhahdaan saa la dili-waaye,
    Dirqina waa inay idinku tahay saa la dili-waaye,
    Wuxuu doono waa inuu falaa saa la dili-waaye,
    Qarannimo waa inay duntaa saa la dili-waaye,
    Dalka iyo dadkuba waa inay baaba’aan saa la dili-waaye,
    Waa inuu Xamarna Daafeed u raro saa la dili-waaye,
    Hargeysana badweynta u diro saa la dili-waaye,
    Kismaayona webiga uu dhex daro saa la dili-waaye,

    *****
    Ummad yahay daguugani ee qalbigu daxalaystay,
    Diintiyo kitaabkii Allaad daba-maryeyseene,
    Waxaad deyrka ugu oodan tahay daalim iyo qaa’in,
    Deylaaba idin dhaanta iyo sacii diilinta lahaaye,
    Iyagaaba darkii garanaya iyo doono ubadkiiye,
    Daab iyo masaar waxaad tihiin duulna garanwaaye,

    *****
    Dilaa sare haddii u dalcay oo la dili-waayey,
    Dad wixii ka haray waa kuwaan haatan uu diliye,
    Dad waa dilis dagaal waw kalahis dulucdu waa weerar.
    Dadaal iyo midnimo wayska deyn sharafi waa daadin.
    Dakaniyo colaad waa hirgelin nabadi waa duugis.
    Diif iyo xanuun iyo darxumo dabargo’ waa raadin.
    Daacad iyo wanaag waa ka durug belona waa doonis.

    *****
    Haddii kale dantiinii gartoo daalimkaas dila,
    Dabadeed midnimadii dalkiyo daawo wada qaata,
    Dar-Illaah u soo jeesta oo diinta wada raaca,
    Dariiqii Rasuulkii maroo diinta wada raaca,
    Dawiyo nabad wada raadiyoo diinta wada raaca

    Waxaa tiriyey: Abwaan Maxamed Warsame Tabantaabo

    Abwaan Maxamed Warsame Tabantaabo Gabayga DILAA SARE
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDEGDEG: Hanti dhowrihii Guud Nuur Faarax oo Xabsi Guri lagu geliyay Madaxtooyada
    Next Article Xildhibaan Mahad Salaad: “Xil ka qaadista Hantidhowrka Guud sharciga ayay baal marsan tahay..”

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo