Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»AKHRISO: Madaxweynihii hore oo soo bandhigay Qorshe lagu xalin karo Colaada Tukaraq ee Somaliland & Puntland

    AKHRISO: Madaxweynihii hore oo soo bandhigay Qorshe lagu xalin karo Colaada Tukaraq ee Somaliland & Puntland

    June 21, 20182 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay qorshe uu sheegay in xal loogu heli karo colaada ka taagan degaanka Tukaraq ee Gobolk Sool oo ay isku heystaan Puntland iyo Somaliland.

    Xasan Sheekh oo Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayaa la yimid dhawr ah oo uu u arkay in lagu xalin karo colaada deegaankaasi ka taagan, isagoo taxay shan qodob oo ku saabsan xal u helidda arrinta Tukaraq.

    HOOS KA AKHRISO FARRIINTA XILDHIBAAN XASAN SHEEKH

    Iyadoo Soomaalidu ay duruufo gaar la tacaaleyso billowga qarniga 21aad, ayaa haddane degaannadu xaalkoodu kala duwan yahay.

    Duruufaha dadka Soomaalida ay la tacaalayaan waxaa ka mid ah Abaaro, fatahaad iyo colaado, hase yeeshe gundhigga dhibaatooyinka oo dhan waxay ka soo butaacayaan hal il oo ah dowlad xooggan oo ralli laga wada yahay lana wada aqbalsan yahay oo meesha ka maqan.

    Si kastaba ha ahaate, dhibaatooyinkaas aan kore ku so xusay iyo kuwa kaleba waxay CAQABAD ku yihiin badbaadada shacabka ay daashadeen colaaduhu kuwa hore iyo kuwa dambaba haddaba hoggaamiyayaasha maanta ee heer kasta leh ha qaateen hana tixgeliyeen mabda’a ah “HA UGA DARIN HADDII AADAN DAWYN KARIN”

    Qormadaan kooban waxaan rabaa inaan uga hadlo arrinta XANUUNKA badan ee ka socota tuulada yar ee TUKARRAQ.

    In ka badan 30 sano waayo aragnimo ah ayaan u leenahay in khilaafyada lagu xalliyo CUDUB CIIDAN lagumana soo guuleysan mar qura. Haddaba, walaalaha isfaham waagu u dhaxeeyo waxaan ugu baaqayaa qodobada soo socda:
    1. Xabbad joojin degdeg ah iney ku dhawaaqaan oo ay NABADDA ku dhiirradaan.
    2. In ciidamada ay kala qaadaan si fursad lagu wada hadlo u abuuranto.
    3. Ka dibne la billaabo wada hadal dhexdooda ah oo ay hoggaaminayaan dhexdhexaadiyaal iyo fududeeyaal Soomaali ah o oka dhaca TUKARRAQ lafteeda
    4. Waxaan si gaar ah farta ugu fiiqayaa isimada, culumaa’uddiinka iyo ganacsatada iney si gaar ah ugu istaagaan arrinka isna doontaan iyagu oo waxaan leeyahay magaciin ha jiro e berri NABADDA YAAN DIBADDA LAGA JIRIN
    5. Inta dadaalladu socdaan, dhinacyadu waa iney joojiyaan hadallada XANAFTA leh ee danqinayo boogihii hore laguna baddalo hadallo ka tarjumayo Soomaalinimada.

    Waxaan ku soo gabagabeynayaa qormadaan kooban:

    “WALAALAYAAL WAXA AAN ISKU NAHAY AYAA AAD UGA BADAN WAXA AAN KALA NAHAY EE CAQLIGU HA TALIYO”.

    Puntland Somaliland Tukaraq Xasan Sheekh
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleRa’iisal Wasaare Kheyre oo beeniyay in jiritaanka heshiisyo ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Soomaaliya [Akhriso]
    Next Article Madaxweyne Trump oo markii ugu horeysay jebinaya Sharci uu hore u soo saaray oo lagu cambaareeyay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo