Guddiga Q/Midoobay u qaabilsan cunaqabteynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea (Monitoring Group) ayaa soo saaray magacyada 14 hoggaamiye oo ka tirsan Kooxda Daacish-ta Soomaaliya.
Qoraal warbixineed ay soo saareen ayay ku qoreen Qabiilkooda iyo Xilalka ay hayaan, sida ku cad calaamadaha hordhaca ah ururka Daacish ayaa ka qaab dhismeed fiican kooxda Alqaacida raacsan ee Al-Shabaab, waxayna Kooxda Kormeerka ku tilmaamatay qaab dhismeedka Daacish mid aan caadi aheyn.
AKHRISO MAGACYADA IYO BEELAHA AY KASOO JEEDAAN
- Cabdulqaadir Muumin (Daarood/Majeerteen/Cali Saleebaan): Hoggaamiyaha Ururka Daacish qeybta Soomaaliya, Wuxuuna ahaa hoggamiyihii Ruuxiga ahaa ee Al-Shabaab u qaabilsanaa Waqootiga Soomaaliya, wuxuu ku sugan yahay Buuraha Golis, Dowladda Mareykanka ayaana August 2016 u aqoonsatay inuu yahay Argagixiye.
- Abdirahman Faahiye (Ciise Maxamuud), wuxuu Ururkaas dhexdiisa uga qaraabtaa Magaca Axmed Aadan; Khalid; Yacqub; Burane iyo Qabiilka (Darod/Harti/Deshiishe). waa Ku xigeenka Mu’min, waa Hoggaamiyaha labaad ee Ururka Daacish Qeybta Soomaaliya, wuxuu sanadkii 1985 ku dhashay Magaalada Boosaaso, Maamulka Puntland ayaana horey u sheegay inuu ahaa ninkii soo agaasimay Qaraxii 23 may 2017 ka dhacay Magaalada Boosaaso, wuxuu kamid ahaa Shabaabka Waqooyi Bari Soomaaliya, wuxuu ku sugan yahay Buuraleyda Golis.
- Mahad Macalin (Majeerteen/Cali Saleebaan), waxaa Adeer u ah Cabdulqaadir Muumin, waxaa markii hore la sheegi jiray inuu ahaa ku xigeenkiisa, balse hadda waxaa la xaqiijiyey inuu kooxdaas u qaabilsan yahay Preaching (Dacwada iyo Baraarujinta), isna wuxuu horey uga tirsanaa Shabaabka Waqooyi Bari Soomaaliya, wuxuu hadda joogaa Buuraleyda Goolis.
- Cabdixakiim Dhuqub (Majeerteen/Cali Saleebaan/Ismaaciil Cali), waa Hoggaamiye sare oo ka mid ah Daacishta Soomaaliya, waxayna Da’diisa u dhaxeysaa 50 – 55 Sano, wuxuu ku lug lahaa ololihii Boosaaso looga abuuray Al-Itihaad al-Islamiya (AIAI), sanadkii 2004, Wuxuu kamid ahaa dadkii hormariyey Fikradaha Al-Shabaab isagoo ahaa xubin ka tirsan Shabaabka Waqooyi Bari Soomaaliya, hadda wuxuu ku sugan yahay Buuraleyda Golis.
- Abdiqani “Luqmaan” (Daarood/Leelkase): Da’diisa waxay u dhaxeysaa 25-30 jir, waa taliyaha Hoggaamiyo howlgalada Militari ee Ururkaas, wuxuu horey uga tirsanaa Shabaabka Waqooyi Bari Soomaaliya, wuxuuna hadda ku sugan yahay Buuraha Golis.
- “Abuu Xafsa” (Hawiye/Gaaljecel): Waa ku xigeenka taliyaha Hoggaamiyo howlgalada Militari ee Ururkaas, wuxuuna ka hooseeyaa Luqmaan, Qiyaastii da’diisa waa 30 sano jir, wuxuu horey uga tirsanaa Al-Shabaabka joogo Gobolka Hiiraan, waxaana la qiyaasayaa inuu kooxdaas ku daray ciidamo badan oo kasoo jeedo Koonfurta Soomaaliya iyadoo loo marayo Shakhsi kooxdaas dhexdeeda looga yaqaan “Jabal”.
- Xamza Fareey (Daarood/Majeerteen): Waa Madaxa Dacwada iyo Baraarujinta Ururka Daacish Soomaaliya, wuxuu ahaa xubin hore oo ka tirsanaa Shabaabka Waqooyi Bari Soomaaliya, wuxuu hadda ku sugan yahay Buuraleeda Golis.
- Abdibasid oo la baxay Magaca Mukhtar (Majeerteen/Cali Saleebaan): Da’iduusa waxaa lagu qiyaasayaa 30 sano jir, balse muuqaal ahaan wuxuu u muuqdaa nin dhallinyaro ah, waxaa macquul ah inuu ka tirsan yahay Sirdoonka ama iibinta Hubka.
MADAXDA KALE EE URURKA DAACISH-TA SOOMAALIYA
- Abdiweli Mohamed Aw-Yusuf “Walah” (Majeerteen/Cali Salebaan/Ismail Ali)
- Abshir Mahamoud Mire Mahamoud, oo Daacish Dhexdeeda looga yaqaan Abshir Gardhere
- Jaamac Ismaaciil Said Salah, oo Daacish dhexdeeda looga yaqaan Jama Dhere;
- Ahmed Omar Ali “Beerdhagax” oo looga shakinsan yahay inuu yahay qofka hubka soo iibiyo
- Abdirahman Yusuf Mahamud Adan iyo Maxamed Bile Gash Yuusuf , waa ninka u qaabilsan Kooxda ISIL dhanka Taleefoonada iyo Isgaarsiinta.