Guddoomiyaha Baarlamaanka 10-aad ee waqtigiisu dhammaaday Maxamed Mursal Sheekh ayaa qaaday tallaabo aan hore loo arkin oo ku cusub taariikhda Baarlamaanka Soomaaliya burburka. kadib markii uu soo saaray wareegto oo fadhiyada Baarlamaanka uga joojiyey 5 xildhibaan.
Qoraal uu Mursal u diray 15-ka xildhibaan, lana ogeysiiyay Taliyaha Ciidanka Amniga Baarlamaanka ayaa lagu taxay liiska 15 xildhibaan oo Mucaarad ah, kuwaasoo laga joojiyey inay ka qeyb galaan 5 fadhi oo ka mida kulamada Baarlamaanka.
Arrintan ayaa sabab looga dhigay warbixin uu soo gudbiyey hab-dhowraha oo xildhibaannadan ku eedeeyay inay horjoogsi ku sameeyeen fadhigii Golaha ee maanta 27-ka Maarso 2021.
HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA MURSAL

