Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa magacaabay Golihiisa Wasiirada oo ka kooban 52 xubnood kuwaasi oo isugu jira 22 Wasiir 22 wasiir ku xigeeno iyo 8 Wasiiru dowlayaal.
Wasiiran ayaa intood badan ah Golihii wasiirada xukuumadii hore ee xilka sii heysay ee uu soo dhisay C/kariin Xuseen Guuleed, waxayna tani ka hor imaaneysaa rabitaanka inta badan xildhibaanada maamulka Galmudug oo madaxweyne Xaaf u sheegay inuu isbedel la yimaado.
HOOS KA AKHRISO WASIIRADA CUSUB EE GALMUDUG
- Mudane Cabdi Maxamed Cabdi Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka
- Mudane Maxamed Xayir Nuur Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dowladaha Hoose
- Mudane Saciid Siyaad Shirwac Wasiirka Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha
- Mudane Cismaan Ciise Nuur “Taar-dhuleed” Wasiirka Amniga
- Mudane Mursal Cabdiraxamaan Axmed Wasiirak Awqaafta iyo Diinta
- Mudane Xasan Maxamed Warsame Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.
- Mudane Daahir Xasan Xuseen Wasiirka Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryenta
- Mudane Cabdiqaadir Cabdullaahi Warsame Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha.
- Mudane Maxamuud Aadan Cismaan Wasiirka Warfaafinta iyo dhaqanka
- Mudane Cabdulaahi Cali Maxamed Wasiirka Gaadiidka, cirka iyo dhulka.
- Ibraahim Xasan Guureeyee Wasiirka Waxbarashada
- Mudane Axmed Dubad Cali Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta
- Mudane Axmed Dhiblaawe Casir Wasiirka Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha
- Mudane Maxamed Xuseen Maxamed Wasiirka Bii’ada, Dhirta iyo Daaqa.
- Marwo Naciimo Maxamed Maxamuud Wasiirka Caafimaadka
- Marwo Hodan Cabdullaahi Shire Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Xaquuqda Aadanaha.
- mudane Axmed Mire Cali Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha
- Mudane Cali Yuusuf Xuseen Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayarha
- Mudane Cawil Xirsi Xasan Wasiirka Biyaha iyo Korontada
- Mudane Maxamed Aadan Qalab xoor Dekadaha iyo Gaadiidka bada
- Marwo Sahro Colaad Cabdi Wasiirka Qurbo joogta iyo Dhiiri gelinta maalgeshiga
- Mudane Shire Xirsi Maxamed Wasiirka Gargaarka iyo Daryeelka Naafada
AKHRISO: Liiska Magacyada Golaha Wasiirada cusub ee Galmudug oo dhameystiran