Baaralmaanka maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa Magacaabay Guddiga doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa Magacyada Guddiga hor geeyay xildhibaannada Baarlamaanka, waxaana Guddiga Doorashada uu ka kooban yahay 27 Xubnood, waxaan ansixiyey xildhibaannada Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Codkii loo qaaday Guddiga ayaa Xildhibaanada ku ansixiyeen cod aqlabiyad leh, waxaana ogolaatay 93 xildhibaan, halka 13 Xildhibaan ay diideen.
HOOS KA AKHRISO MAGACYADA GUDDIGA