Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa shalay ansixiyay Guddiga loogu magac daray: Guddiga Saxaafadda Soomaaliyeed (GSS) . Guddigan oo uu dhismihiisa qorayo Xeerka Saxaafadda oo dhowaan baarlamaanku ansixiyay waxaa soo magacowday Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, waxaana lagu soo xulay qaab 4.5 ah iyo maamulada dalka ka jira.
Guddigan waxay u kala baxaan sida soo socota:
SAXAAFADDA GAARKA LOO LEEYAHAY
1-Cabdulqaadir Maxamed Faarax (Dulyar) Horn Cable -Puntland.
2-Ismaciil Sheikh Qaliif (Agaasimaha Radio Star – xoghaye urur saxaafadeed) .
2-Maxamed Barre Xaaji Fiyoore (Agaasimaha Radio Danan)
SAXAAFADDA DOWLADDA IYO MAAMULADA DALKA
6-Cumar Mustafa (Koonfur Galbeed)
XUBNAHA URURADA BULSHADA
7-Cabdikariim Maxed Xasan
8-Falxad Fulayl Xaaji Daahir
9-Maryan Cabdi Axmed
Xubnaha loo magacaabay guddiga saxaafadda ayaa marka laga reebo shaqsiyaadka ka socda ururada Bulshada waxay yihiin agaasimeyaal oo hadda madax ka ah warbaahin kala duwan oo raacsan maamulo, kooxo iyo dowladda, taasoo meesha ka saareysa inay noqdaan guddi madax bannaan oo gudan kara howsha Xeerka saxaafaddu ku waajibinayo, waxayna qaarkood isku hayaan shaqooyin fara badan oo aan meel wada geli karin xilka cusub ee wasiir Maareeye u magacaabay.
Wadani.com