Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa xayiraad ku soo rogay, kuna daray Liiska Shaqsiyaadka ay saaran tahay cunaqabateynka saddex ka mida hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab.
Hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab ee xayiraadda lagu soo rogay waxay kala yihiin: Abuukar Cali Adan, Macallin Ayman iyo Mahad Karataay oo qaarkood hore madaxooda loo saaray lacag abaal marin ah.
Abuukar Cali Aadan ayaa ah ku xigeenka Amiirka Al-Shabaab, halka Macalin Ayman sida golaha ammaanka ee qaramada midoobay ay sheegeen uu yahay aasaasaha ‘Jeysh-Ayman’ oo ah guuto Al-shabaab ka tirsan oo weerarro ka fuliya gudaha waddamada Soomaaliya iyo Kenya.
C/raxmaan Axmed Warsame oo loo yaqaan Mahad Karataay ayaa isna golaha ammaanka uu ku sheegay in la aaminsan yahay inuu xubin firfircoon uu ka yahay ururka Al-Shabaab.
NISA ayaa Mahad Karatay ku sheegtay inuu hoggaamiyo koox ka horjeeda weerarrada Alshabaab ka fulisa Muqdisho, balse arrintaasi looma helin wax caddeyn ah, waxaana Mareykana uu madaxiisa uu u dul dhigay abaal marin lacageed oo gaareysa 3 Milyan oo Dollar.
