Dad kala duwan ayaa ku dhintay qaraxii maanta ka dhacay magaalaada Muqdisho oo lala beegsaday Hotelka Naasahablood 2 ee Muqdisho.
Waxaa la xaqiijiyay Allaha u naxariistee inay ku geeriyoodeen Ex. Xildhibaan Cabdinaasir Gaarane oo soo noqday wasiir ku xigeen iyo taliyihii saldhiga Booliiska degmada Deyniile Maxamed Yuusuf Nuur (Fanax Xagaleey).
Warar kale ayaa sheegaya inuu ku dhaawacmay Wasiirka Amniga ee Maamulka Koonur Galbeed Madoobe Nuunow iyo xubno kale iyadoo mas’uuliyiin kale ku xayiran yihiin hotelka oo dagaal ku dhex marayo gudaha hotelka.

