Guddiga Doorashooyinka Dadban ayaa shaaciyay in maanta Magaalada Muqdisho lagu dooran doono saddex kursi oo ka mida xubnaha Aqalka sare ee ka soo jeeda Somaliland.
Saddexda Kursi ee maanta la dooranayo ayaa ka mida 5 kursi oo ka harsanaa aqalka sare kuwaasoo loo xayiran yahay si Aqalka sare u doorto guddoonkiisa, isla markaana hore loogu wado doorashada madaxweynaha.
Saddexda kursi waxaa u tartamaya 10 musharaxa sida ay qoraal ku soo saareen Guddiga Doorashooyinka, waxayna magacyadooda kala yihiin:
Kursiga Kowaad waxaa ku Tartamaya Musharaxiinta kala ah:
1- Xuseen Ceelaabe Faahiye
2- Maxamed Aadan Waaberi
3- Axmed Cabdi Faahiye
4-Ayuub Cismaaciil Yuusuf.
Kursiga Labaad waxaa ku Tartamaya Musharaxiinta kala ah::
1-Hodan Abuukar Xuseen
2- Deeqa Xasan Xuseen
3- Amran Cilmi Fariid
Kursiga Saddexaad waxaa ku Tartamaya Musharaxiinta kala ah::
1-Cumar Maxamed Aadan Qaadi
2- Nuuro Faarax Jaamac
3- Caasho Axmed Cabdalla
Wadani.com