Afar musharax oo ka tirsan Mushrixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa is diiwaan geliyay maalintii ugu horeysay ee la furay diiwaangelinta musharixiinta.
Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa shaaciyay in musharixiinta buuxiyay shuruudaha madaxweynaha laga rabo ee la diiwaan geliyay maanta ay kala yihiin:
1- Shariif Sheekh Axmed
2- Cumar C/rashiid Cali
3- C/qaadir Cosoble Cali
4- Maxamuud Maxamed Culusow.
Musharixiinta ayaa la gudoonsiiyay shahaadooyinkooda, kadib markii caddeyn qoraal kala yimaadeen Bankiga Dhexe oo ay ku shubeen lacag dhan 30-kun Doolar midkiiba.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada ayaa sheegay in musharixiina maanta shubay lacagta ay berito oo jimce ah tegi karaan xarunta Guddiga Doorashada ay si shahaadooyinkooda u qaataan.
Wadani.com