Musharixiin badan oo u sharxan kursiga HOP058 ee Beesha Cali madaxweyne/Xawaadle ayaa la siiyey caawa Shahaadada murashaxnimada, iyadoo kursigan uu yahay mid furan oo lagu tartamayo.
Kursigan waxaa hore ugu fadhiyey Xildhibaan Nuur Iidow Beyle, kaasoo xalay ku dhawaaqay inuu ka haray tartanka, markii lasoo saaray Guddiga soo xulaya ergada doorashada, waxaana mursharixiinta u taagan tartanka ee qaatay Shahaadada ay kala yihiin:
1-Cabdullahi Maxamed Cali (Sambaloolshe)
2- Eng. Yoonis Maxamed Nuur
3- Cali Cabdullaahi Cosoble
4- Cbdulqaadir Xussen Colow
5- Maxamud Afdhuub Makaraan
6- Cabdullaahi Axmed Xuseen
7- Ubax Cali Sheegow
Doorashada Kursigan oo culeys gaara wadata ayaa dib u dhac ku yimid arrimo farsamo iyo cabasho jufooyinka qaarkood, iyadoo isla maanta wax laga bedelay guddiga soo xulaya ergada oo xubin cusub lagu daray.
Guddiga Doorashada Hirshabelle ayaa shaaciyay in doorashda Kursiga HOP058 ay Berri ka dhici doonto magaalada Beledweyne.