Golaha Wasiirada xukumadda Soomaaliya ee shalay ayaa lagu ansixiyey Magacyada Saddex Safiir oo la sheegay inay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha dibadda, balse aan la sheegin dalalka lagu qoray ee loo dirayo.
Shirkii Golaha wasiirrada oo uu shalay guddoomiyey Ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre ayaa waxaa la keenay magacyada saddex xubnood oo safiiro loo magacaabay, iyadoo Danjireyaashaasi aan la shaacin dalalka lay wakiilka ka nooqn doonaan:
Safiirada cusub waxay kala yihiin:
1- Xaawa Xasan Maxamed – oo Wasiirka caafimaadka ka soo noqotay dowladii Xasan Sheekh
2- Cabdi weli Jeylaani Xaaji Cabdow.
3- iyo Danjire Dr Ibrahim Isxaaq.
Ansixinta magacyada safiir ee aan dalna loo qoondeyn ayaa soo bilaabatay dowladii hore ee Xasan Sheekh, iyadoo weli qaabkaasi ay ku socoto, waxayna safiiradan noqonayaan kuwii labaad ee Golaha wasiirada ansixiyeen, waxaa hore loo magacaabay saddex safiir oo aan weli la shaacin dalalkii loo diray.