Wararka laga helayo madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya inuu socdo qorshe lagu magacaabayo safiiradii ugu badnaa ee dowladda Soomaaliya.
Magacyada la hadal hayo waxaa ka mida xubno magac leh oo wasiiro hore u soo noqday, waxaa kaloo ka mida shaqsiyaad aya wataan maamulad Goboleedyada dalka.
Dhowr safiir ayaa ka mid noqday xukuuumadda iyo madaxda kale ee dowladda, taasoo qasab ka dhigeysa in safiiro cusub lagu bedelo. Safiirada hadda bannaan waxaa ka mida Safiirka UN-ka, Safiirka Kenya, Safiirka Turkiga iyo safiiro kale.
Magacyada yaalla xafiiska madaxtooyada ee lagu wado in xilal safiir loo magacaabo waxaa ka mida:
1- Cabdiraxman Yuusuf Ceynte
2- C/kariin Xuseen Guuleed
3- Maxamed Xaaji Madeer
4- Xuseen Maxamuud Sheekh Xusen
5- Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan
6- C/casiis Sheekh Yuusuf
Wadani.com