Waxaa maanta magaalada Jowhar ka dhacday doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya uga mid noqonaya maamulka Hirshabeelle.
Tiradda musharaxiinta aqalka sarre ee maamulka Hirshabeelle oo ay ku tartamayeen ayaa ahaa 7 ka mida 8-da Senator ee maamulkaasi ku leeyahay Aqalka Sare.
Xildhibaanada la doortay iyo beelaha ay kasoo jeedaan waxay kala yihiin:
1- Cismaan Axmed Macow Jajeelle
2- Prof. Cismaan Maxamuud Ujeejeen
3- Maxamed Cismaan Dhagajuun Xawaadle
4- Muuse Suudi Yalaxow Wacbuudhan
5- Maxamed Xuseen Raage Xawaadle
6- Fartuun Cabduqaadir Faarax Saddex Cumar / Beesha Shanaad
7- Maxamed Amiin Sh. Cismaan Harti Abgaal
8- Naciima Ibraahim Sheekh Gaaljecel
Afar ka mida kuraasta Aqalka sare ee maamulka Hirshabeelle ayaa lagu tartamin oo musharixiintii loolanka geli lahaa ay tanaasuleen, taasoo keentay in si toos gacan taag loogu codeeyo musharixiinta qura ee soo haray.
Wadani.com

