Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerarka Alshabaab ku qaadeen Hotelka Dayax ee magaalada Muqdisho.
Hotelka Dayax ayaa ka mida hoteelada waaweyn ee caasimadda isagoo laba qeyboodka ka kooban oo u dhow hotelka kale ee Weheliye, wadadda Maka Almukarama ee magaalada Mudisho.
Weriyeyaasha ku dhaawacmay qaraxa waxaa ka mida:
C/qadar C/llaahi Maxamed oo ah weriye ka howlgala Idaacadda Kulmiye oo gurigii uu deganaa ku dhaawacmay, dhaawaciisuna fudud yahay.
Sawir qaade ka tirsan telefishanka HornCable oo magaciisa lagu sheegay Gacal.
Sawir qaade caan ah oo u shaqeeya wakaalada warark AP oo lagu magacaabo Faarax AP.
Sawir qaade kale oo u shaqeeya wakaalada waraka Reuters Maxamed C/wahab.
Xaaladda weriyeyaasha ayaa la sheegay inay degan tahay iyadoo dhaawacyaduna aanay ahayn kuwo aad u culus.
Wadani.com