Doorashada Aqalka sare ee Baaralmaanka oo ka dhacday xarunta Gaadiidka Booliska ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu doortay xildhibaanadii ugu horeeyay ee ka soo jeeda Somaliland.
Kursigii ugu horeeyay waxaa ku soo baxay Xildhibaan Cabdi Xaashi C/laahi oo ka guuleystay Maxamud Jirde Xuseen, waxaan sidoo kale kursi kale ku soo baxday weriye caana oo lagu magacaabo Muno Cumar Xasan.
Xildhibaanada Aqalka sare ee Gobollada Waqooyi ee maanta la doortay ayaa waxay kala yihiin.
- Cabdi Xaashi cabdulaahi oo helay 29 cod
- 2.Muxyadiin Sheekh Cali oo helay 41 cod
- Mustaf Maxamed Godax oo helay 42 cod
- Muno Cumar Xasan oo heshay 32 cod
- Cabdikariin Maxamed Xasan oo helay 40 cod
- Cabdirisaaq Axmed Nuur oo helay 39 cod
5 kursi oo harsan ayaa lagu wadaa in la doorto maalmaha soo socda.
Wadani.com