Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu doortay xildhibaano cusub oo ku soo biiray Golaha Shacabka Soomaalida oo doorashadiisu gabagabo tahay.
Xildhibaanada la doortay oo ah saddex xubnood oo ka soo jeeda beesha Somaliland, waxayna kala yihiin:
Kusiga Koowaad: Waxaa ku guuleystay Sakariye Xuseen Aare oo helay 49 cod, halka ay la tartameen Xaamud Xasan Nageeye oo helay 0 cod, Sakariye Mahadi Cabdi iyo Nuur Cabdullaahi Waabari oo laga waayay goobta doorashada.
Kursiga Labaad: Waxaa ku guuleystay C/raxmaan Maxamuud Caateeye oo helay 49 cod, iyadoo Cali Cabdi Ibraahim oo la tartamay aanu waxba helin.
Kursiga Saddexaad: Waxaa ku Guuleystay Guuleed Ceydaruus Cige 42 cod, halka Canab Xasan Kaahir ay heshay 2 Cod, waxaana dhacday in musharixiinta la tartamay ay ka baxeen doorashada kadib shaqaaqo ka dhacay, waxaana laba musharax ee ka baxay ay kala yihiin: Shugri Cabdi Yusuf iyo Khadaro Axmed Ibraahim.
Wadani.com