Waxaa Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbadda hoose lagu doortay xildhibaano ka mida Aqalka Hoose Baarlamaanka.
Doorashadii maanta ee Kismaayo waxaa lagu doortay Laba kursi oo ka mid ahaa saddex kursi oo la qorsheeyay in la doorto, waxaana dib loo dhigay hal kursi.
Labada xubnood ee maanta la doortay ayaa waxa ay kala yihiin:
C/laahi Maxamed Aadan Shaaciye oo helay codad gaaray 44 cod
iyo Sagal Cabdirisaaq Isaaq oo heshay 27 cod.
Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa ilaa iyo hada waxaa lagu doortay 42 xildhibaan, waxana harsan hal kursi oo maalinta beri la dooran doono.
Waxaa kaloo la isku heystaa kursi ka mida kuwa beesha Gaaljecel oo wasiirka Batroolka Soomaaliya Maxamed Mukhtaar laga joojiyay inuu u tartamo.
Wadani.com