Guddiga Isgaariinta Qaranka ee dhowaan uu magacaabay Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa waxaa ka hor yimid shirkadaha Isgaarsiinta iyo kuwa bixina adeegga internetka intooda badan ee ka dhisan magaalada Muqdisho.
Qoraal ay soo saareen shirakadahaasi ayaa lagu sheegay in Guddiga aan ahayn mid dhexdhexaad, waxayna ku eedeeyeen wasiirka inuu hal shirkad oo ay ku tilmaameen Ex. Barakaat ka qaatay xubnihii ay lahaayeen shirkadaha Isgaarsiinta.
Haddaba Guddigaasi oo ka kooban 9 xubnood wuxuu Wasiir Canshuur magacaabay 8 ka mida aakhirkii Bishii May 2018, waxaana ka harsan xubin ka socotay Qareenada oo khilaaf ka dhashay.
Waxaan halkan idinku soo gudbineynaa magacyadooda:
1 – Cabdi Sheekh Ahmed – Maareeyaha Guud
2 – C/llaahi C/casiis Maxamed – Ku xigeenka Maareeyaha guud
3 – Cali Ibraahim Cali – Wasaaradda Boosatada & Isgaarsiinta
4 – Axmed Cali Salaad – Wasaaradda
5 – Ibraahim Cabdiraxmaan – Qeybta Isgaarsiinta
6 – Maxamed D. Carraale – Qeybta Isgaarsiinta
7 – Maxamed NUuraani Sheekh – Qeybta Isgaarsiinta
8 – Yaasiin Cali Diirshe – Bulshada Rayidka