Waxaa soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan magacaabidda safiiro cusub oo dowladda Soomaaliya la filayo inay ku dhawaaqdo dhowaan.
Safiiradan oo dhowr jeer dib u dhacay ayaa la sheegay in lagu dhawaaqi doono marka madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo kasoo laabto shirka London.
Warark laga helayo ilo ku dhow madaxtooyada ayaa sheegaya in lagu dhawaaqi doono safiiradda csuub oo kala ah:
C/raxmaan Yuusuf Ceynte = Safiirka Soomaaliya UK
Yuusuf Xuseen Jimcaale = Safiirka Soomaaliya ee Qatar
Jaamac Ceydiid = Safiirka Soomaaliya ee Turkiga
Xuseen Qaasim = Safiirka Soomaaliya ee Kenya
Waxaa jira mas’uuliyiin hore loogu balanqaaday xilal safiiro oo aan weli wax xil ah loo magacaabin, waxaana weli bannaan xilk safiirka Soomaaliya ee Q/Midoobay iyo xilal kale oo safiirnimo. xubnaha hore loo sheegay in safiirro loo magacaabayo waxaa ka mida C/kariin Guuleed, Foswiyo Yusuuf Xaaji iyo xubno kale.
Wadani.com