Waxaa rajo laga qabaa in dowladda Sacuudiga ay dib u bilowdo mashaariic ay hore u balanqaaday inay maalgelin doonto.
Arrintan ayaa ka dambeysay markii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu socdaalkiisii ugu horeeyay ku tegay Sacuudiga, isagoo codsaday in dowladiisa la siiyo lacag dhan 4 Bilyan oo Doolar.
Dalabkaas oo Boqorka Sacuudiga amray in loo fuliyo Soomaaliya ayaa dowladda Soomaaliya laga codsaday inay la timaado mashaariic loo maalgeliyo oo wasiiro ka tirsan xukuumadda ay la tageen Sacuusiga, laakiin waxaa la hakiyay markii dowladda Soomaaliya ay mowqif dhexdhexaad ka qaadatay khilaafka Khaliijka.
Mar kale ayuu Sacuudigu balanqaaday in saddex sano iyo bar lagu fulin doono mashaariicdan kadib socdaalkii ugu danbeeyay ee madaxweyne Farmaajo ku tegay Sacuudiga.
Mashaariicda waxaa ka mida:
- Dhismaha Garoon Diyaaradeed Caalami ah – Duleedka Muqdisho
- Dhismaha xarun cusub oo Madaxtooyada Soomaaliya – Duleedka Muqdisho
- Dhismaha Wado ilaa 230 KM
- Dhisme iyo dayactir ilaa 6 Dekadood kaluumeysi oo yaryar
- Dib u howlgelinta Shirkadii Diyaaradaha Somali Airlines iyo diyaarado la siinayo
- Mashaariic horumainta Beeraha iyo Xoolaha
- Mashaariic shaqo abuur ah
Sacuudiga ayaa dhowaan fasaxay lacag gaareysa 50 Milyan oo Doolar oo Sacuudigu u siiyay Soomaaliya kabista miisaaniyadda, taasoo soo gaartay khasnada dowladda Soomalaiya sida uu xaqiijiyay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
WARBIXINTA GOOBJOOGE