Kadib booqashadii saacadaha qaadatay ee Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ku tegay magaalada Muqdisho Sabtidii 16-ka June waxaa soo if baxay sida dowladda Imaaraadka Carabta ugu laran tahay dhaqdhaqaaqa Itoobiya ku dooneyso inay ku maalgashato dekadaha Soomaalida.
Dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta ahna amiirka Abu Dhabi iyo ninka ugu awoodda badan dalkaasi Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan ayaa booqasho rasmi ah ku tegay Adis abab 15-tii bishan oo ahayd maalin ciid u ah dunida islaamka, wuxuuna adis ababa kula kulmay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya.
Imaaraadka ayaa shaaciyey inuu Itoobiya siineyo taageeradii dhaqaale ee ugu badneyd oo gaareysa 3 Bilyan oo doolar, oo Hal bilyan oo ka mida Imaaraadku dhigayo Bankiga Dhexe ee Itoobiya oo ay heysatay dhibaato la xiriirta lacagta adag oo ku yaaratay.
2 Bilyan oo doolar ayuu Imaaraadku sheegay inuu ku maalgelinayo mashaariic laga fulinayo dalka Itoobiya oo kala duwan, waxaana isla subaxnimadii safar ku yimid magaalada Muqdisho Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed xilli uu amiirka Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan ku sugnaa Adis ababa, waxaana uu dalkiisa kula noqday heshiis ay dowladda Soomaaliya ku ogoalatay inay Itoobiya maalgashato 4 dekad oo Soomaaliya ku yaalla, kuwaasoo aan la magacaabin.
Arrintan waxay shaki badan gelisay in Imaaraadku ka danbeeyo qorshaha Itoobiya ama Imaaraadku sharciyeystay heshiiskii uu kula wareegay dekadda Berbera isagoo u soo maray Itoobiya..? waxaana arrintan ishaaray wargeyska Daily Nation ee Nairob kasoo baxa.
Imaaraadka ayaa u muuqda inuu gool siyaasadeed ka dhalyey dowladda Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre, waxayna arrimuhu kala caddaan doonaan marka ay shaqo galaan Guddiga heer wasiir ee Somalia iyo Itoobiya sameysan doonaan si loo fuliyo is-afgaradkii labada dal.
HESHIISYADA AY ITOOBIYA IYO IMAARAADKA KALA SAXIIXDEEN HOOS KA AKHRISO
- MoU on Mutual Exemption of Entry Visa for Holders of Diplomatic Passport
- MoU on the Establishment of a Joint Committee for Consular Affairs
- MoU on Economic and Technical Cooperation
- MoU on the field of Tourism
- MoU on Cultural Cooperation
- Agreement between National Bank of Ethiopia and Abu Dhabi Fund for Development
- MoU between Ethiopia and Abu Dhabi Fund for Development