Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa maxaabiistii ku geeriyooday dagaalkii shalay ka dhacay gudaha Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay ku jiraan xubno halis ah oo Alshabaab ka tirsan.
15 Maxbuus ayaa la xaqiijiyey inah ku dhinteen Xabsiga Dhexe markii ay dagaal la galeen ciidamada ilaalada Xabsiga iyo kuwa Haramcad ee Booliska oo lagu soo xoojiyey, kadib qorshe ay doonayen inay uga baxsadaan xabsiga ayna u heleen hub kala duwan, iyadoo dilay 4 askari, mid kalena dhaawacay.
Xaaladda maxaabiista la dilay waxay kala ahaayeen 9 Maxbuus oo ku xukunnaa Xabsi Da’aim ah; 3 Maxbuus oo u xukunna 15 sanno oo Xabsi Ciidan ah, hal Maxbuus oo xabsiga ku qaadanayey xukun 8 Sanno oo Xabsi Ciidan ah iyo hal Maxbuus oo 6 Sanno oo Xabsi Ciidan ah ku xukunnaa. Waxaa kaloo rasaastu galaafatay hal Maxbuus oo caasi Waalid ugu xirnaa xabsiga.
Xubnaha maxaabiista Alshabaab ugu caansan ee ku dhintay dagaalkii Xabsiga Dhexe waxaa ka mid ahaa:
1- C/salaan Maxamad Nuur oo ku eedeysnaa in isagoo NISA ka tirsan uu Alshabaab la shaqeeyay
2- Maxamed Daa’uud Daahir Warsame (Dr. Raage) oo ka tirsanaa Daacish
3- Gamaadiid oo ka tirsanaa Kooxdii Ilkacase.
4- C/salaan Maxamed oo baraha bulshada ku isticmaali jiray xabsiga dhexdiisa.
