Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»AKHRISO: Faahfaahinta Miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya 2017 ee la ansixiyay

    AKHRISO: Faahfaahinta Miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya 2017 ee la ansixiyay

    August 6, 2017Updated:August 6, 201711 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    HORDHAC

    Ku Noqoshada Odoroska Miisaaniyada Qaranka ee 2017ka waa Miisaaniyad Sanadeedkii 1aad ee uu falanqeeyo guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya. Guddiga Maaliyaddu waxa uu u xilsaaranyahay isagoo wakiil uga ah Golaha Shacabaka sida ku xusan Qodobka 67aad, Faqradiisa 7aad Xeerhoosaadka Golaha Shacabka arrimaha Miisaaniyadda.

    Isagoo si guud oo dhammeystiran u eegaya Qoondada Miisaaniyadda tixgelinayna soo jeedimihi Golaha Shacabka, kana fiirinaya dhinacyada; (b) Siyaasadda Qorshaha Miisaaniyadda, (t) Xaqiiqada dhabta ah ee ay ku dhisantahay Misaaniyaddu xisaab ahaan iyo sharci ahaanba (j) Hubinta isku dheelitirnaanta Dakhliga ka soo xaroonkara ilaha dhaqaale ee ku talogalka Miisaaniyaddu ku qotomo iyo (x) Kharashyada Qorsheysan ee Miisaaniyadda, wuxuu dulmar guud ku sameeyey kana baaraandegay oddoroska ku noqoshada Miisaaniyadda 2017 oo loo soo gudbiyey Golaha Shacabka laguna wareejiyay Guddiga Maaliyadda 15/7/2017.

    Shuruucda iyo Siyaasadda Miisaaniyadda

    Sida habdhaqanka maaliyadeed ee soo gudbinta Miisaaniyada Guud ee Qaranka caadada u ah waa inay Xeerka Miisaaniyadda iyo lifaaqyada qoondada miisaaniayaddu koobayaan warbixinno dhammeystiran oo iftiiminaya dhinacyada kala duwan dhaqaalaha dalka guud ahaan iyo qoondada Miisaaniyadeed ee dalka si ay u fududaato in si sahlan loogu fahmo miisaaniyadda, arrimahaas oo ay ugu muhiimsan yihiin;

    1. Shuruucda ay ku dhisan tahay Miisaaniyadda

    2. Faahfaahin cad oo Dakhliga iyo Kharashka ah

    3. Sababaha korar iyo dhimis kasta oo dakhli ama kharash cusub

    4. Warbixinta Deymaha Qaranka iyo faahfaahintooda

    5. Warbixinta deeqaha Qaran ee la filayo in la helo

    6. Warbixinta dhigaalka/Keydka Qaranka

    7. Warbixinta Mashaariicda Horumarineed ee dalka u qorsheysan.

    Xeerka Qoondada Miisaaniyada ee aan wax ka badalka ku samaynay:

    Xeerka Qoondada ayaa dib loo eegay waxaana la isla gartay Guddiga iyo Wasaaradda maaliyada in Qodobada qaarkood toosin lagu sameeyo.

    Haddaba meelaha wax laga badalay waxaa ka mid ah qodobada hoos ku cad.

    2.3 Miisaaniyad Wareejinta Xaafiiska Dhexdiisa

    1. wasiirku wuxuu xafiis dhexdiis.

    A. Wuxuu Wasiirku kala wareejin karaa kharashka miisaaniyada joogtada ah walax walax hadii ay isku madax yihiin.

    B. Kala wareejin karaa miisaaniyada mashruuc kuna wareejin karaa mashruuc kale kadib markii hay’adda mashruucaasi hore ugu qoondaysnaa ogolaato, Ra’iisul Wasaaruhuna saxiixo.

    2.4 Miisaaniyad Wareejinta Xaafiisyada Dhexdooda

    1. Wasiirku wuxuu u wareejin karaa miisaaniyada joogtada ah ee loo qoondeeyey xafiis dawladeed in loo wareejiyo xafiis kale, kadib markii la xaqiijiyo in xafiiska loo qoondeeyey miisaaniyada aanu wada isticmaali karaynin Miisaaniyadaas hay’adda loo qoondeeyeyna ogolaato Ra’iisul Wasaaruhuna saxiixo.

    2. Wasiirku wuxuu amri karaa in Miisaaniyada mashaariicda ee loo qoondeeyey xafiis loo wareejiyo mashruuc xafiis kale, kadib markii la xaqiijiyo in Miisaaniyad yaraanta xafiiska laga dabooli karo Miisaaniyada mashaariic loo ansixiyey sanadkaas xafiis kale oo dawladeed.

    3. Wasiirku waa inuu kusoo wargeliyaa Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka kala wareejinta ku xusan Qodobka 2.3, Faqradiisa (B) iyo (T) iyo Qodobka 2.4, Faqradiisa (1) iyo (2) ee Qoondada Miisaaniyadda si uu hubiyo sharci ahaan in ay waafaqsantahay xeerka iyo habraaca Miisaaniyadda ee sannad maaliyadeedka 2017ka.

    2.5 Wareejinta Miisaaniyada Keydka (Lama filaanka)

    1. Wasiirku wuxuu kadib oggolaanshaha Golaha Wasiirada amri karaa in miisaaniyada kaydka lama filaanka loo wareejiyo loona isticmaalo kharash xaalad degdeg ah, kadib markii ay dhacaan hawlo gurmad degdeg ah oo u baahan kharash degdeg ah oo aanay baahidoodu horay u muuqanin waqtiga la diyaarinayay Miisaaniyada sanadka. Ansixinta Golaha Wasiirada kadib Wasiirka waxa uu la wadaagayaa Gudiga Maaliyada Golaha Shacabka ogolaanshaha Golaha Wasiirada ee wareejinta keydka lama filaanka ah oo sababeysan. Kolka uu wasiirka ansixiyo soo wareejinta khaarashka keydka kabida waxaa lagu wareejinayaa hay’adda ka mas’uulka ah.

    2. Kharashka kaydka lama filaanka waxaa keliya oo loo isticmaali karaa xaalad degdeg ah sida fatahaado, abaaro, cuduro dilaacay, ama kharashaad muhiimad Qaran oo lama huraan ah leh oo aan muuqanin markii la diiyarinayay qoondada Miisaaniyadda. Loomana isticmaali karo baahida kharashka caadiga ah ee xafiisyada dowladda.

    Kaydka kabidda (Lama filaanka) Waxaa guddiga u cadaatay in isticmaalka madax xigaha lama filaanka miisaaniyaddii loo qoondeeyay 6dii bilood ee hore ee sanadkaan loo adeegsaday kharashaad ka geddisan sida xeerka qoondada Miisaaniyadda ku cad. Tusaale ahaan 6dii bil waxaa laga isticmaalay madaxa kaydka kabidda (lama filaanka) lacag dhan $1,283,697 oo kabadan qoondadi 6dii bilood ee sanadkaan 2017, kharashkaas dheeriga ah waxaa laga soo wareejiyay madax xigaha 2314 ee raasumaalka si aan waafaqsanayn xeerka qoondada Miisaaniyadda 2017.

    2.7 Deymaha/Amaahda

    Deymaha iyo Amaahda sharciyeysan ee laga dhaxlay Miisaaniyaddii 2015 iyo 2016-ka ayaa noqoneysa deyn usoo gudbeysa sanadka 2017-ka, waxayna noqoneysaa qeyb ka mid ah mudnaanta kharashka, Waxaana Wasaaradda Maaliyadda in ay soo cadayso deymaha laga dhaxlay Miisaaniyadda sanadyadii 2015 iyo 2016 oo tifatiran iyada oo laga bixinayo meesha ay uga jirto mudnaanta qarash bixinta.

    3.1 Mudnaanta Kala Horumarinta Qarash Bixinta

    Haddii ay timaaddo hoos u dhac dhanka dakhliga ah ama deeqaha wasaaradduna fulin weyso bixinta dhammaan kharashaadkii kutalagalka miisaniyadda 2017, waxaa mudnaanta kharash bixinta loo raacayaa sida ay u kala horreeyaan ee hoos ku taxan:

    1. Raashinka iyo gunooyinka ciidamada qalabka sida.

    2. Mushaharooyinka/gunooyinka shaqaalaha Rayidka ah

    3. Gunada Xildhibaanada, Golaha Wasiirada iyo Agabka iyo Adeega Barlamaanka

    4. Khidmadaha maaliyadu ku shaqayso (Bangiga Dhexe iyo Bangiga Horumarinta)

    5. Mushaharka iyo gunnooyinka daynta ah ee kasoo wareegay Miisaaniyada sanadkii hore.

    6. Adeegga iyo agabka Xafiisyada Dowladda

    7. Daynta iyo qaamaha la hormarsaday.

    Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka wuxuu ku adkeynayaa Wasaarada Maaliyada in ay qaraarka Golaha Shacabka ee mudnaanta kala horumarinta qarash bixinta ee xeerka ku noqoshada Miisaaniyadda 2017 ay u fuliso sida uu u qoranyahay.

    3.8 Warbixin Xisaabeedka

    1) Dhamaan Hay’adaha Dowladda waa in ay u keenaan Xisaabiyaha Guud iyo Agaasimaha Guud ee Wasaradda dhamaan xisaab xidhka kharajka iyo dakhliga ee bishaas ugu danbeyn 7da bisha xigta iyadoo la raacayo qaabka uu tilmaami doono Xisaabiyaha Guud. Waxaa awood loo siiyey Wasaaradda inay hakiso bixinta qoondada ee miisaaniyadda ee hayadaha keeni waaya xisaabxirka billaha ah. Guddiga iyo Wasaarada waxaa ay isla garteen in laga bilaabo bisha Agoosto 2017 loo dhaqan gelin doono qodobkaan sida uu u qoranyahay.

    4 Canshuurta iyo Tacriifada Furdooyinka

    Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka iyo Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay isla garteen in dhamaan tacriifada kujirta xeerka qoondada miisaaniyadda laga saaro lana hor keeno Golaha Shacabka ka hor inta aan la keenin Miisaaniyadda 2018.

    Ø Canshuurta Faai’idul Faa’idada (Mushaaraadka) Guddiga iyo Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay isla garteen in aysan jirin waxa canshuura ah oo ku waajibaysa Gunno xileedyada si waafaqsan xeerka Lr. 5, November 7, 1966.

    Ø Guddiga iyo Wasaaradda Maaliyaddu waxaa ay isla garteen in guud ahaan Mushaarka Ciidamada lagu kordhiyo lacag dhan $50, marka laga reebo inta darajo (grades) wax ku qaadata laga bilaabo 1da Noofember 2017, waxaana shardi ah in loo furo xisaab dhamaan ciidanka qaranka ka hor bisha Noofember 2017, lamana bixin karo wax gunno/mushaar ah oo aan lagu shubin xisaabta gaarka ah ee askari waliba laga bilaabo 1da Noofember 2017.

    Ø Guddiga iyo wasaaradda Maaliyaddu waxa ay isla garteen in Mushaarka Xildhibaanadii hore ee Barlamaankii 9aad la bixiyo 1 Bil sannadkan 2017, shanta bil ee kalena lagu daro Miisaaniyadda 2018.

    Muuqaalka Guud ee Miisaaniyadda

    Guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyadda ee Golaha Shacabka, isagoo maskaxda ku haya arrimaha kor ku xusan, tixgelinayana duruufaha dalku ku suganyahey wuxuu muddo 2 todobaad ah ku hawlanaa dib u eegista iyo ka baaraandegista Miisaaniyadda Qaranka ee Sannadka 2017, taasi oo muujinaysa muuqaalka hoos ku xusan.

    Sida uu tusayo Jaantuska1, ee kutala galka ku noqoshada Miisaaniyadda 2017 ka oo dhan US$ 260M waxaa ka muuqda in Miisaaniayaddu wali si weyn ugu kooban tahey kharashyada Adeegga Maamulka iyo Diffaaca taas oo looga qoondeeyey miisaaniyadda joogtada ah qaddar dhan US$ 247.7M kana ah 95.3%. Halka hadhaaga oo dhan US$ 12.3M oo loogu talo galay mashaariicda horumarinta una dhiganta 4.7% Qoondada Miisaaniyadda.

    Jaantuska 1aad: Muuqaalka Guud ee Miisaaniyadda Sannadka 2017

    9 Falanqaynta iyo Talo Bixinta Guddiga Maaliyadda

    Guddiga Maaliyaddu wuxuu kulan falanqayn ah kala yeeshay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda oo uu hoggaaminayey Wasiirka wasaaradda maaliyadda. Dhinaca kalena waxey warbixinno iyo cabashooyinba ka dhegeysteen qaybo ka mid ah masuuliyiinta hay’adaha dawladda. Hadaba markii si qoto dheer loo falanqeeyey loogana baaraandegey kutalagalka Miisaaniyadda ee Dakhliga iyo Kharashka Sannadaka 2017ka waxaa u soo baxdey arrimaha hoos ku qoran oo uu guddigu ka tilmaan bixiyey.

    Dakhliga Miisaaniyadda

    Dakhliga miisaaniyaddu wuxuu aalaaba ka kooban yahey canshuuraha iyo khidmadaha kala duwan ee sharcigu jideeyey, kaalmooyinka ama deeqaha, dakhliga kale ee ilaha filiqsan ka soo baxa, daymaha qaranku soo deynsado gudaha iyo dibeddaba, haraaga miisaaniyadihii hore haddii uu jiro iyo dakhlikasta oo la filayo in si sharciga waafaqsan ay ugu soo korodho miisaaniyadda.

    1. Guddigu markii uu eegay dakhliga gudaha ee miisaaniyadda waxa u muuqdey inuu sameeyey isbeddel korodhsiimo balse aad uga yar kororsiimadii 6dii bilood ee hore sanadki 2016, guud ahaan dakhliga gudaha iyo dibadda ee 6da bilood ee sannadkan ugu horraysay waxaa ay noqotay US$93 M kororsmiimaduna waa US$3.5 M oo lamid ah 3.8% halka 6dii bilood ee sanadkii hore 2016 ka uu ahaa dakhliga guud ee gudaha iyo dibadda US$ 89.5 M kororsiimada uu sameeyayna ay ahayd US$28.9 M oo lamid ah 32.3%, halka 6di bilood ee ugu horaysay sanadki 2015kii dakhliga guud ee gudaha iyo dibadda uu ahaa US$ 60.6 M. Guud ahaan Ku noqoshada miisaaniyad sannadeedka (2017) dakhli ahaan waxey ka yartahay middii ku talogalkii iyo ku noqoshadi sannadkii hore (2017) Kii, waxayna inta badan ku saleysantahay miisaaniyad ku celintii sannadka 2016. Sidaa darted Guddigu waxa uu soo jeediyay in kor loo qaado howlaha dakhli ururinta dalka.

    2. Sida ku cad jaantuska 1aad waxaa muuqata in ay ku baxayso 54.8% ku baxayso hay’adaha adeega maamulka guud, waxaana sababa arintaan kororka shaqaalaha dowladda oo joogta ah,

    Kharashka Miisaaniyadda

    1. Dhinaca Kharash bixinta dawladda wuxuu guddigu falanqeyn dheer ka yeeshey duruufaha adag ee ka horyimid dheelitirka Miisaaniyadda iyo Isbeddelada lagu Sameeyey Miisaaniyadda.

    2. Kaddib markii guddiga iyo wasaaraddu yeesheen kulamo isdabajoog ah waxaa la isla gartay in meelaha qaar ay muhiim tahay in isbeddel lagu sameeyo taasi oo ay sababtay duruufo baahiyeed oo lagama maarmaan ka dhigaya in la daboolo. Islamarkaana ay soo korodhay deeqlacageed oo dhan USD14.1 milyan taasi oo loo qaybiyey meelaha ugu baahida badan leh sida ka muuqata jaantuska hoos ku xusan.

    Ø Guddigu markii uu u kuurgalay Miisaaniyadda waxaa u soo baxdey in miisaniayaddii la soo gudbiyey April 2017 ay kusoo korodhay shaqaale dhan 618 oo aan kujirin Miisaaniyaddi 6di bilood ee sanadkaan 2017, tiradaasi oo kharashkooda lagu soo daray isbeddelka miisaaniyadda ku celiska ah ee cusub.

    Talooyin iyo Soo Jeedimo

    Dhammaan soo jeedimada soo socda waxaa ay noqonayaan qaraar marka Golaha Shacabku ansixiyo waxayna kala yihiin sidatan:

    1. Si loo kobciyo dhaqaalaha dalka loona ilaaliyo hufnaanta maaliyadda guddigu wuxuu aad u adkaynayaa dhaqangelinta qaraarada Golaha Shacabaka ee ku wajahnaa hagaajinta hawlaha dakhliga iyo maamulka kharashaadka dowladda.

    2. Guddigu wuxuu soo jeedinayaa in miisaaniyadda hay’adda Bi’adda iyo duurjoogta la raaciyo wasaaradda Wasaaradda xannaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa.

    3. Guddigu isagoo tixgelinaya soo jeedimihii shacabkii ka qayb galay dhegaysigii dadweynaha ee Miisaaniyadda 2017 ka wuxuu soo jeedinayaa iney Xukuumaddu diyaariso qorshe qaran oo horumarineed oo ku aadan miisaaniyadda kaalmada ah ee beesha caalamku ugu deeqday horumarinta dalka iyo in miisaaniayadda gudaha looga qoondeeyo qayb horumarineed miisaaniyada 2018.

    4. In ay xukuumadu si guud uga wada shaqayso dib u habaynta Miisaaniyadda Ciidamada Qaranka ee 2018 kahor inta aan la hor keenin Golaha Shacabka sidoo kale lagu soo saleeyo Gunnada Ciidamada darajadooda.

    5. In Wasaaradda Maaliyaddu usoo gudbiso Guddiga Maaliyadda liiska daymaha oo faah faahsan iyo qorshaha lagu bixinayo ka hor Miisaaniyadda 2018.

    6. Guddigu waxaa uu soo jeedinayaa in Miisaaniyadda Safaaradaha loo qoondeeyay lagu shubo akoomada Safaaradaha ay ku leeyihiin Bangiga Dhaxe. Safaaradii aan akoon lahayna si deg deg ah loogu furo.

    7. Guddigu waxa uu soo jeedinayaa in lagu soo faah faahiyo Miisaaniyadda 2018 qoondada duuduubka ah ee ay Dowlada Dhexe siiso Dowlad gobaleedyada, Gobalka Banaadir, Dekeda Xamar, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo wixii la hal maala.

    8. In mashaariicda horumarinta lagu saleeyo baahiyaha mudnaanta leh, lana waafajiyo Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP), looguna qaybiyo si caddaalad ah gobollada iyo degmooyinka dalka, iyadoo fursad loo siinayo xildhibaannada qaranku inay qayb ka ahaadaan talada mudnaanta mashaariicda laga fulinayo deegaan doorashadooda.

    9. Guddigu waxa kale oo uu Golaha u soo jeedinayaa in wasaaradda la faro soo diyaarinta xeer Miisaaniyadeed qaran sanadka 2018 oo lagu salayn doono gunnooyinka xileed ee Siyaasiinta iyo sahay safarada si waafaqsan xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

    10. Waxa kale oo guddigu soo jeedinayaa in sida ugu degdega badan loo dhammeystiro shuruucda maaliyadda ee dhiman sida; Sharciga Maamulka Maaliyadda Dowladda iyo Sharciga Maamulka Cashuuraha (Revenue Bill), iyo in si gaar ah loo hor keeno Golaha Shacabka tacriifooyinka ka hor Miisaaniyadda 2018.

    11. Si loo ilaaliyo xuquuqda muwaadinka iyo hufnaanta maaliyadda Dowladda guddigu wuxuu soo jeedinayaa in cidkasta oo qaadata mushaar joogto ah ama gunno Dowladeed (siyaasiyiin, ciidan iyo shaqaalaha rayidka) loo furo xisaab (account) u gaar ah oo si joogta ah loogu shubo/wareejiyo.

    Gabogabo

    Guddigu isagoo tixgelinyaa duruufha dalku kujiro iyo in dalku lahayn wax miisaaniyad ah mudo bil ah sidoo kalena maanka ku haya xaqa sharci ee ay leeyihiin Xubnaha Golaha Shacabka, Guddigu wuxuu ka codsanayaa Golaha Sharafta leh isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah isla markaana xeerinaya duruufaha marxaladda dhaqaale ee dalku marayo in ay ansixiyaan ku noqoshada Miisaaniyadda Sannadka 2017.

    ==DHAMMAAD==

    Miisaaniyadda 2017 Miisaaniyadda dowladda Top Wasaaradda Maaliyadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleRa’iisal Wasaare oo kormeeray xaaladda Raashinka la siiyo Ciidamada Dowladda [Sawirro]
    Next Article DAAWO: Uhuru Kenyatta si dib loogu doorto Madaxweyne Duco u tegay Kaniisad

    Related Posts

    Wasiir Roobow: “Muqdisho ma aha Kaabul iyo Dimishiq, Axmed Diiriye-na ama Axmed ASharaca Syria”

    March 9, 2025

    Xildhibaannada Labada Aqal oo Ansixiyay Guddiga Doorashada Qaran iyo Buuq hareeyay

    November 27, 2024

    Qodobadda War-murtiyeedka Shirkii Madasha Qaran & Muddo Kordhinta Maamul Goboleedyada

    October 31, 2024

    Isbedel ku yimid Xukuumada Somaliya (Magacyada RW ku xigeenka cusub iyo Wasiirada la magacaabay)

    October 22, 2024

    XOG laga helay Mooshinka laga keenay Wasiir Fiqi iyo Xildhibaanno lagu eedeeyay inay Itoobiya…

    September 29, 2024

    Xildhibaanad kasoo jeeda K/Galbeed oo shaacisay in laga reebay Diyaarad u socotay Baydhaba

    September 19, 2024

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo