26 Wasiir iyo Ra’iisal wasaare ku xigeen ayaa maanta loo magacaabay inay noqdaan xukuumadda cusub ee Soomaaliya.
Magacaabidda Wasiirada ayaa lagu saleeyay qaab qeybsiga awoodda ee beeleed ee Soomaalidu wax ku qeybsato, iyadoo miisaanka beeleed iyo wasaaraha beeluhu ku xisaabtamaan ay ka duwan yihiin qaabkii hore.
HOOS KA AKHRISO QAABKA BEELAHA U KALA HELEEN WASIIRADA
BEESHA DIR
1- Avv. Mahdi Axmed Guuleed Khadar Ra’iisul Wasaare kuxigeen (Isaaq, Cidegale)
2- C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda, ( Dir, Gedo-Biirse)
3- Khadra Axmed Ducaale Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha (Isaaq, Habar Jeclo)
4- Deeqa Yaasiin Wasiirka Haweenka iyo xuquuqul Insaanka (Dir, Surre)
5- Xil. Shiikh Nuur Maxamed Xasan, Wasiirka Xannaanada Xoolaha (Dir, Biyamaal)
6- Xildhibsan Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha (Isaaq, Habar Yoonis)
BEESHA HAWIYE
1- Yuusuf Garaad Cumar Wasiirka Arrimaha Dibadda, (Hawiye, Habargidir, Ceyr)
2- Eng. Cabdi Canshuur Xasan Wasiirka Boostada, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada (Hawiye, Baadi Cadde)
3- Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Gudaha ( Hawiye, Abgaal , Obokar )
4- Eng. C/raxmaan Yariisow Wasiirka Warfaafinta (Hawiye, Abgaal, Daa’uud)
5- Cabdiraxmaan Daahir Cismaan, wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare (Xawaadle)
6- Dr. Fowsiya Abiikar Nuur, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada (Gaaljecel)
BEESHA DAAROOD
1- Cabdi Faarax Juxa Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta (Majeerteen, Ciise Maxamuud)
2- C/raxmaan Xoosh Jibriil Wasiirka Dastuurka (Daarood, Laylkase)
3- Amb. Jamaal Xasan Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga (Daarood, Warsangeli)
4- Maxamed C/llaahi Salaad Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka (Ogaadeyn, Cawlyahan)
5 – C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda (Daarood, Dhulbahante)
BEESHA DIGIL & MIRIFLE
1- Cabbaas Siraaji Wasiirka Howlaha Guud (Mirifle, Hubeer)
2- C/rashiid C/llaahi Wasiirka Gaashaandhigga, ( Mirifle, Leysaan)
3- Dr. Iimaan C/llaahi Cali, Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta (Mirifle, Hadamo)
4- Xildhibaan Prof. Saalaim Caliyow Ibrow, Wasiirka Korontada iyo Biyaha (Digil, Jiiddo)
5- AVV. Xasan Xuseen Xaaji, Wasiirka Caddaaladda (Digil, Garre)
BEESHA BEESHA SHANAAD
1- Maryan Aweys Jaamac Wasiirka Dekedaha (Beesha Jareer Weyne, Shiidle)
2- Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhallinyarada iyo isboortiga (Beesha Shanaad, Yaxar)
3- Maryan Qaasim Wasiirka Arrimaha Gargaarka (Beesha Shanaad, Reer Xamar)
4- Xildhibaan Saciid Xuseen Ciid, Wasiirka Beeraha (Beesha Shanaad, Carab Saalax)
5- Xil. Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed , Wasiirka Macdanta iyo Batroolka (Beesha Shanaad, Gendershe)
Wadani.com