Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»AKHRISO: Musharixiinta u tartamaya xilka Guddoomiyaha G/Banadir & Madaxweynaha oo bilaabay..

    AKHRISO: Musharixiinta u tartamaya xilka Guddoomiyaha G/Banadir & Madaxweynaha oo bilaabay..

    August 7, 2019Updated:August 7, 20193 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Kadib Geeridii Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir Marxuum C/raxmaan Cumar Yariisow waxaa si xowli ah ku socda tartanka loogu jiro xilka Guddoomiyaha G/Banaadir oo caadiyan laga soo xulo beel gaar ah.

    Wararka qaar ayaa sheegaya in intii uu dhaawaca ahaa Guddoomiye Yariisow ay musharixiinta doonaya xilkan bilaabeen ololahooda, iyadoo si weyn loogu cambaareeyay damiir xumo xubno aan la magacaabin oo la sheegay inay xilligaasi bilaabeen ololahooda xilka ugu sareeya Maamulka Gobolka Banaadir.

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha Xasan Cali Kheyre ayaa bilaabay la-tashiyada ku saabsan ciddii xilkan loo magacaabi lahaa, iyadoo wararku sheegayaan inay u badan tahay in loo magacaabo shaqsi ay isku beel yihiin Marxuum Yariisow.

    Xubnaha la hadal hayo inay taageero ka heystaan madaxda sare ee la filayo in laga soo xulo guddoomiyaha cusub ee G/Banaadir ayaa kala ah:

    1- Cumar Cabdullaahi Xasan (Cumar Qaanso)

    Cumar Cabdullaahi Xasan (Cumar Qaanso)

    Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir oo dhowaan xilkaasi laga qaaday, wuxuu taageero ka heystaa madaxweyne Farmaajo, waxaana la sheegay inuu buuxin karo shuruudaha ay doonayaan madaxda sare inuu yeesho qofka ay xilkan u dhiibayaan.

    2- Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhagey)

    Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhagey)

    Guddoomiyihii hore ee Guddiga Doorashada Baarlamaanka hadda jira, haddana ah la-taliyaha Ra’iisal wasaaraha, wuxuu hore uga mid ahaa musharixiinta xilkan markii la eryay guddoomiyihii hore Thabit Cabdi, haddana waxaa la sheegay inuu ku jiro liiska musharixiinta, laakiin waxaa caqabad ku noqonaya inay madaxda sare ugu baahan yahay Doorashada soo socota, isla markaana uu yahay sharci-yaqaan ay fududahay inuu ka hor yimaado danaha madaxda sare.

    3- Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle)

    Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle)

    Maareyihii hore ee Hay’adda Duulista iyo Saadaasha hawada waa musharax kale oo xilkan loo saadaalinayo, waxaana xilkii hore looga qaaday isku dhac dhex maray isaga, shaqalaha iyo madaxda Wasaaradda uu ka tirsanaa July 2018, taasoo keentay in madaxweyne Farmaajo oo uu saaxiib lahaa xil kale u magacaabi waayo, rajadiisa xilkan ayaana la sheegay inaysan badneyn.

    4- Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Washington)

    Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Washington)

    Maareeyaha Dekadda Muqdisho Axmed Washington wuxuu hore uga mid ahaa musharixiinta uu xilka u soo sharxay madaxweyne Farmaajo, kadibna waxaa loo magacaabay agaasimaha Dekadda. Rajada xilligan ee in loo magacaabo guddoomiyaha G/banaadir ayaa ah mid yar, tasoo ay ugu wacan tahay xilka uu hayo.


    MUSHARIXIIN KALE OO IS WADA

    Dhinaca kale waxaa jira xubno iskood ugu ordaya inay ku soo baxaan xilkan oo taageero ka raadsanaya odayaasha iyo kaaliyeyaasha madaxda sare ee dowladda, waxaana ka mida xildhibaan C/qaadir Carabow Ibraahim iyo Cali Gacal Gaabow oo ah agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo ay olole u wadaan xubno ka mida xukuumadda.

    Axmed Washington Cumar Dhagey Cumar Qaanso G//Banaadir Musharixiinta Maamulka G/Banaadir Top Yariisow Yuusuf Jaalle
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCiidamada Danab oo howlgallo ka wada duleedka Aw-dheegle & Alshabab oo..
    Next Article Koox hubeysan oo Dil ka geystay Suuqa ugu weyn Muqdisho, kadibna baxsatay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo