Waxaa magaalada Muqdisho ka socda diyaargarowga Doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta ka dhaceysa xarunta baarlamaanka, waxaana xildhibaannada ay bilaabeen inay halkaasi tagaan.
Xaalada amniga ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo la xiray wadadda Maka Almukarama iyo wadooyinka gala xarunta Baarlamaanka oo loo diiray dadka iyo Gadiidka, iyadoo halkaasi la geeyay ciidamada Booliska, NISA iyo kuwa AMISOM.
Doorashadan oo ay ku loolamayaan 11 musahrax ayaa la sheegay inay ugu cadcad yihiin shan Musharax oo kala ah:
1- Musharax Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Mursal
2- Musharax Ibraahim Isaaq Yarow
3- Cali Maxamed Nuur (Xaaji Cali)
4- Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen)
5-Shariif Maxamed Cabdalla
Madaxooyada iyo Xukumadda ayaa ku mideysan inuu guddoomiye noqdo wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Musharax Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Mursal, iyadoo uu ka mid yahay musharixiintau ugu horeeya.