Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»AKHRISO: Nuxurka Heshiiska Saldhigga Milateri ee Imaaraadka laga siiyay Berbera

    AKHRISO: Nuxurka Heshiiska Saldhigga Milateri ee Imaaraadka laga siiyay Berbera

    February 13, 20176 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Golayaasha Somaliland ee odayaasha iyo wakiilada ayaa shalay meelmariyay heshiis dowladda Imaaraadka Carabta saldhig milateri uga furaneyso magaalada Berbera.

    Heshiiskan oo muran badan dhaliyay ayaa kaliya maamulka Somaliland soo bandhigay qodobo kooban oo ka mida heshiiskaasi, waxayna nuxurkiisu qodobadiisu yihiin kuwa hoos ku qoran.


    1. Heshiiska Cidda Wada-galaysa

    B) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland (Kireeye)

    T) Dawladda Imaaraadka Carabta (Kirayste)

    1. Mashruuca Heshiiska

    Saldhig Milateri oo laga yagleelayo Madaarka Berbera

    1. Ujeedada heshiiska

    B) in la xoojiyo xidhiidhka saaxiibtinnimo ee qotada dheer ee u dhexeeya Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

    T) in la xoojiyo wada-shaqaynta iyo Iskaashiga labada dhinac, ee arrimaha la xidhiidha Nabadgelyada, Horumarka, Dhaqaalaha, Maalgashiga, Ganacsiga iyo Is-dhex-galka

    1. Ogolaansho Saldhig Milateri

    Dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku heshiiyeen:

    B) in Saldhigga Milateri laga siiyo Dalka Imaaraadka Carabta Magaaladda Berbera.

    T) in loo ogolaado in saldhigga ay u isticmaalaan Madaarka Magaaladda Berbera.

    J) in loo oggolaado in ay ka samaystaan Jihada Waqooyiga Madaarka, gaar ahaan dhinaca badda, Deked dhismaheedu kooban yahay, taas oo u gaar ah ciidammadooda.

    X) In loo ogolaado in ay dib-u-dhis iyo casriyeyn ku sameeyaan dhabbaha diyaaradaha, iyo guud ahaanba garoonka Magaalada Berbera.

    1. Muddada Heshiiska

    B) Mudada heshiiska saldhiggu waa 25 sanno, oo ka bilaabmaysa marka ay si rasmi ah u kala saxeexdaan labada dhinac.

    T) Mudada heshiiska ka dib, dhammaan wixii dhismayaal iyo kaabayaal dhaqaale laga hirgaliyey Madaarka iyo Dekedda waxay noqonaysaa hanti qaran.

    1. Kirada iyo Faa’iidooyinka Saldhigga

    B) Saldhigga Milateri Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku bixinaysaa hab kiro ah.

    T) Kirada ka waajibta saldhigga mudadan oo waafaqsan nidaamka heshiisyada dabeecaddan oo kale leh, wuxuu dalka imaaraadku ku siinayaa Jamhuuriyadda Somaliland mashaariic horumarineed.

    J) Mashaariicda waxa la soo marinayaa, fulinteedana ka mas’uul ah Hay’adda (Abu-dhebi Fund), oo u qaabilsan UAE fulinta mashaariicda horumarineed.

    Isticmaalka Saldhigga Milateri

    B) Saldhiggan waxa isticmaali kara oo keliya Ciidammada Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

    T) Waxa reebban in saldhiggan ay adeegsadaan cid kale oo ka baxsan kiraystaha ku cad faqradda sare.

    J) Kiraystaha iyo laga kiraystaha labaduba midna cid kale kama kirayn karo goobta saldhigga milateri loo jaangooyey mudada heshiiskani dhaqangalka yahay.

    X) Labada dhinac waxa ka reebban in goobta saldhigga milateri ay u isticmaalaan ujeedo ka baxsan ama khilaafsan nuxurka heshiiskani qeexayo.

    1. Mashaariicda Horumarineed

    Dawladda Isutagga Imaaraadka Carabtu waxay hirgelinaysaa mashaariicda hoos ku xusan:-

    B) Dhismaha Waddada Berbera ilaa Wajaale (Berbera Corridor).

    T) Dhismaha Madaar cusub oo laga hirgeliyo Magaalada Berbera (Civilian and Cargo Airport).

    J) Fulinta iyo hirgelinta mashaariic kor loogu qaadayo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada sida (Waxbarashada, Caafimaadka, Tamarta, Biyaha), iyo kaabayaasha sida (Dhismaha Waddooyinka, Madaarada, Dekedaha, iwm), mudnaan gaar ah waxa la siinayaa sidii Magaalada Berbera loogu heli lahaa koranto jaban oo laga haqab beelo.

    Abuurista Fursado shaqo

    B) Dawladda Imaaraadka Carabtu waxay mudnaan iyo tixgelin gaar ah siinaysaa muwaadiniinta da’yarta xirfadlayaasha ah, ee u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland fursado ay kaga shaqeeyaan dalkooda, mudada heshiiskani dhaqan-galka yahay.

    T) Dawladda Imaaraadka Carabtu waxay ku dhiiri-gelinaysaa shirkadaha waaweyn ee laga leeyahay dalkooda, in ay Somaliland ka sameeyaan mashaariic maalgashi oo abuuri kara fursado shaqo oo gudaha ah.

    J) Kiraystuhu wixii uu shaqaale muwaadiniin ah uga baahdo Saldhigga Milateri, wuxuu u marayaa nidaam ku dhisan hufnaan oo ay ka heshiiyeen xuquuqda ka ratibmaysa.

    X) labada dhinac waxay fududaynayaan is-dhexgalka iyo isu-socodka muwaadiniinta labada dal.

    Iskaashiga iyo Adkaynta Amniga

    Labada dhinac waxay wada-shaqayn iyo iskaashi buuxa ka yeelanayaan arrimaha soo socda:

    B) ilaalinta amniga marin biyoodka Somaliland ee badda cas.

    T) la-dagaalanka budh-cad badeedda iyo wax kasta oo khatar ku ah xasiloonida iyo nabadgelyada mandaqadda.

    J) Ka hortagga iyo la-dagaalanka xaalufinta, wasakhaynta iyo sumaynta biyaha badweynta Jamhuuriyadda Somaliland.

    X) in la iska-kaashado dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimillada, sida (Abaaraha, Duufaanada, Dhul-gariirka iwm).

    Xuquuqda iyo Waajibaadka Saaran Kiraystaha

    B) waxa waajib ku ah kiraystaha saldhiga in uu dhawro xuquuqda iyo xoriyadda aasaasiga ah ee muwaadiniinta Somaliland.

    T) Waxa reebban ku xad-gudubka daaqa, duur-joogta iyo deegaanka ku hareeraysan goobta saldhigga laga yagleelayo.

    J) Kiraystaha saldhiggu wuxuu si cad u damaanad qaadayaa in aanuu waxyeelo u gaysan ka dhan ah, amniga iyo degenaanshaha guud ahaan mandaqadda, gaar ahaan Jamhuuriyadda Somaliland.

    X) Kiraystaha waxa lagu wareejin doonaa dhammaanba dhismayaasha ka jira Madaarka Berbera gudihiisa, wuxuuna si buuxda uga mas’uul yahay daryeelkooda iyo dayactirkooda, ilaa iyo wakhtiga dib loogala wareegayo.

    KH) Kiraystuhu isaga ayaa ka mas’uul ah amniga iyo nabadgelyada saldhigga milateri dhexdiisa

    D) Kiraystaha saldhiggu wuxuu xurmaynayaa dhammaanba heshiisyada iyo xidhiidhka iskaashi ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalalka ay saaxiibka iyo bah-wadaagta dhaw yihiin.

    1. Xuquuqda Kiraystaha

    B) Kiraystuhu wuxuu u madax-bannaan yahay adeegsiga iyo isticmaalka saldhiggan milateri, si waafaqsan heshiiska labada dhinac.

    T) Kiraystuhu wuxuu si buuxda u maamulayaa dhulka uu ku fadhiyo saldhigga milateri, mudada uu dhaqan-galka yahay heshiiska u dhexeeya labada dhinac.

    J) Xarunta Saldhiggan Milateri waxay leedahay xurmo iyo xisaanad dublamaasiyadeed oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo xuquuqda ay siiyaan heshiisyada leh dabeecaddan oo kale.

    X) Kiraystuhu wuxuu xaq u leeyahay in aan wax macaash iyo cashuur ah toonna la saarin wixii uu qalab ciidan iyo dhisme uu la soo dego.

    Kh) Qalabka iyo Agabka Kiraystaha loo siiyey cashuur dhaafka uma saari karo dibedda, ee wuxuu ku isticmaali karaa Saldhigga gudihiisa oo keliya.

    1. D) Kiraystuhu hantidiisa ayuu ku maalgashanaya wixii uu ku kordhiyo dhismaha jira iyo adeegyada aasaasiga ah, sida (Nalka, Biyaha, Internet-ka iyo isgaadhsiinta), kireeyuhuna waa in uu u fududeeyaa.
    1. Maqaadiir (Force Majeure Event)

    Ka dib marka Heshiiskan la saxeexo, haddii ay timaado Maqaadiir Eebe ama masiibooyin, aan laga hor-tegi karin ama la joojin karin, sida; duufaanno ama dhulgariir, waxna aanay ka qaban karin labada dhinac, khasaaraha ka yimaada, haddii dhinac xilkii la gudboonaa fulin kari waayo, cidna mag-dhaw looma raaci karo.

    1. Xallinta Khilaafaadka (Dispute Resolution)

    B) Haddii khilaaf ama is-afgaran-waa ku saabsan Heshiiskan uu ka dhex dhasho labada dhinac (Kiraystaha iyo Laga Kireeyaha), ama la jebiyo qodobo ka mid ah Heshiiskan, waa in labada dhinacba ay isku dayaan in ay ku xalliyaan wixii is-qabad ah ama is afgaranwaa ah, si wanaag iyo saaxiibtinnimo leh, kuna soo afjaraan muddo Soddan Cisho (30) gudahood ah.

    T) Haddii labada dhinac, ay xallin kari waayaan khilaafka ama is afgaranwaaga yimi muddo Soddan Cisho (30) gudahood, waxaa lagu xallinayaa dhexdhexaadin (arbitration), iyada oo la adeegsanayo Xeerrarka Caalamiga ah ee London Court of International Arbitration (LCIA), dhagaysiga dacwadduna ka dhici doono Magaalada London.

    Joojinta Heshiiska iyo Waxa Ka Dhallan Kara (Termination and Consequences):

    B) Labada dhinac ee heshiiskani ka dhaxeeyaa waxa ay xaq u leeyihiin in ay ka baxaan Heshiiskan, hadii dhinac gudan-waayo waajibkiisa, sida Heshiisku uu dhigayo.

    T) Labada dhinac, waxa ay xaq u leeyihiin in ay adeegsadaan Xeerarka Caalamiga ah ee London Court of International Arbitration (LCIA), si ay u helaan wixii magdhow ah ee ay ku dacwoodaan.

    Berbera Heshiiska Berbera Imaaraadka Somaliland
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya oo Muqdisho ku geeriyooday
    Next Article Tijaabo lagu ogaan doono shaqsiyadda Madaxweyne Farmaajo oo soo shaac baxday [Warbixin]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo