Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Galmudug, K/Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa xalay kulan la yeeshay qaar ka mida Musharixiinta xilka Madaxweynaha, kaasoo looga dooday xaaladda ka taagan Doorasho ka dhacda dalka.
Kulanka oo ka dhacay Hotel ku yaalla Gudaha Garoonka Muqdisho ayaa waxaa qabanqaabadiisa lahaa Musharixiinta Madaxweynaha oo madaxda saddex Maamul Goboleed ka doonayey caddeyn ku saabsan mowqifkooda, waxaan kulanka oo qaatay ku dowaad 5 saacadood la isku dhaafsaday dood adag ku dhex martay labada dhinac.
Su’aalihii ugu adkaa ayaa waxaa wajahay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo laga dalbaday inuu faahfaahin ka bixiyo sababta uu warka aan jirin uga sheegay waanwaantii Doorashada iyo jawaabtii laga sugayey, waxaana la sheegay inuu isku difaacay inuu la xiriiray Guddoomiyaha Golaha Musharixiinta Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweyne Deni oo aanu jawaab ka helin.
Qoorqoor ayaa sidoo kale weerar afk ah ku qaaday Musharixiinta ku eedeeyay inaysan rabin doorasho iyo dowladnimo, ayna kaliya doonayaan inay waqtiga dhammeeyaan oo horseedaan qalalaase, eedeyntaas oo ay si adag uga hor yimaadeen, kuna naqdiyeen Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Xasan Cali Kheyre.
Madaxweynayaasha K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen, Hirshabeelle Cali C/lllaahi Guudlaawe iyo Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa Musharixiinta ka dalbaday inay furan tahay in xal loo helo arrinta xubnaha Guddiyada Doorasahda ee ay cabashada ka qabaan, balse ay tahay inay caddeeyeen oo liiskooda so gudbiyaan, taasoo dood kale dhalisay iyo inay daacad ka yihii Madaxweyne Farmaajo iyo Agaasime Fahad Yaasiin rag ay iyagu soo qorteen inay liiskooda raadiyaan.
Saddexda Madaxweyne ee taageersan Dowladda Federaalka waxaa ka muuqatay inay weli furan tahay waanwaan iyo xal laga gaaro caqabadaha Doorashada hortaagan, balse aysan suuragalay ahayn in Doorashada hakad ku jiro ilaa waqti aan la ogen, ayna doonayaan arrimaha loo kala qaado sida loo xalin karo oo arrimaha Gedo iyo Somaliland xalkeeda loo daayo cidda ay quseyso.
Doodda oo waqti dheer qaadatay yaa markii dambe wax heshiis ah kasoo bixin, waxayna dhinacyada ku kala tageen in kulamada sii socdaan, isla markaana arrinta guddiyada doorashada la xaliyo si degdeg loogu gudbo qodobadda harsan, iyadoo Madaxweynaha K/Galbeed uu kaalintii waanwaanta la wareegayo markii la eedeeyay Axmed Qoorqoor.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa in Madaxweynaaasha taageersan dowladda Federaalka ay heshiisyo gaara la galaan Musharixiinta oo la kala qaado arrimaha doorashada ku hor gudban; halka musharixiinta intooda badan ay ka horjeedaan in xalka la kala qaado.
