Iyadoo ay maanta ku eg tahay waqtiga loo qabtay in maamulada dalka ku soo gudbiyaan liiska musharixiinta Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa waxaa soo baxaya qaabka maamulka Juba u qeybiyay 8-da xubnood ee kasoo gaaray Aqalka sare.
Maamula Jubaland iyo Qaabka Beelaha loogu qeybiyay xubnaha Aqalka Sare:
- Beesha Mareexaan: 2
- Beesha Kuumade: 2
- Beesha Harti: 1
- Digil & Mirifle: 1
- Coormale: 1
- Hawiye: 1
Wararka qaarkood ayaa sheegaya in xubnaha lagu qoray inay u tartamaan kuraasta aqalka sare ay ugu cadcad yihiin:
- C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) – Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Jubaland
- Prof Maxamed Cabdi (Gaandi), -wasiirkii hore ee Gaashaandhiga dowladdii KMG-
- Cabdi Maxamed Tarax – Madaxii Hay’adda Qaxootiga Qaranka ee dowladii Siyaad Barre-.
Wadani.com