Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»AKHRISO QISO XANUUN LEH: Muwaadin Soomaaliyeed oo shaqada looga ereyay dembi aanu gelin

    AKHRISO QISO XANUUN LEH: Muwaadin Soomaaliyeed oo shaqada looga ereyay dembi aanu gelin

    March 7, 20163 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Qisadan waxay ku saabsan tahay muwaadin Soomaali ah oo la shaqeyn jiray shirkadda Favori ee gacanta ku heysta Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida uu shaaciyay wuxuu shaqadiisa ku waayay in ciidamada NISA ay xireen kadib qaraxii diyaarada Daallo horaantii bishii Febraayo kadibna muddo toddobaad ah lagu hayay xabsiga markii dambena la sii daayay iyado wax denbi ah lagu waayay, Laakiin waxaa ku dhacday in loo diiday dib ugu laabashada shaqadasiisii.

    QISADA OO KU DHACDAY XASAN KAAFI C/RAXMAN AXMED HOOS KA AKHRI


    9 February 2016 maalin talaado ah 11:27

    Anigoo kujira shaqa maalmeedkaygii caadiga ayaa waxaa ii yimid supervisor.ka qeybta aan ka shaqaynayay ee Campony-ga Favori wuxuuna igu yiri waxaa kuuyeeraya taliyaha Hay,ada Nabad sugida qeybta Airporka.

    Sifudud ayaaan ugu tagay xafiiskiisa wuxuuna ii sheegay in aan sugo maadaama xiligaa uu howlo badan kumashquul sanaa. Mudo kadib 12:02 daqiiqo ay tahay ayuu ina kaxeeyay aniga iyo ninkale oonan rabin hada magaciisa in aan sheego.
    12:32 daqiiqo ah wuxuu ina geeyay xarunta dambi baarista ee Hay,ada nabad sugida. Ninmeesha joogay ayaa lagu yiri nimankaa lawareeg.
    Isla markiiba wuxuu inagu yiri telfoonada damiya saacadaha fura jeebabka waxa kujirana banaaanka keeena waan iska dhiibna xaga iska fariista ayuu dhahay intaa kadib mudo markaan fadhinay saacadana aan kuqiyaasayo 5 galabnimo iyo daqiiqado ayaa la iiga yeeray qeybta ( Opiga ).

    Magacaa ———
    Su.aasha labaad eela i waydiiyay waxay aheeyd qabiilkaada yaawaaye.
    Kadib su.aalo iska caadiya.

    Meeshaa waxaan ka fahmay ama niyad ahaanba aaan is waydiiyay miyuu jiraa qabiil gooni looraadinayo.

    Sikastaba 10 maalin kadib Alx wixii la igu tuhmay ee ahaa kaqayb qaadashada abuubalkii weerarkii diyaarada Daallo waala igu waayay waxaana dib la iisiiyay xoriyadaydii.

    Balse waxaa markaan soobaxay een damcay wadashada shaqadaydii ninkii Turkiga ahaa igu wargaliyay in shaqada la iga ruqseeyay sabab la xiriirta in la i xiray ama dabiile aan ahaado ama yaaanan ahaaane. Dhib badan uma aanan arag arintaas waayo waxaan ku kalsoonaa Hay,ada NISA ee iga waday shaqadayda iguna waysay dambigii la igu tuhmay in ay oran doonto muwaadinkaan shaqadiisa ha wato.

    Lkn Taliyaha qeybta Aiporka markaan u tagay wuxuu aaday ninkii Turkiga ahaa oo uu yiri ninkaan shaqadiisa ha wato waala soodaayay dambina waalaguwaayaye. Wuxuuna ku jawaabay nin kii Turkiga ahaa inaga iyo Dowlada ayaa isku og in ay xiraan ana aan cayriyo.

    Run ahaaantii hadalkaa aad ayuu ii taabtay waxaana ogaaday qofkasta oo dhib samaynaya oo dhalin yaro ah in ay jirto sabab ka dambeeysa oo dhibaatada kuriixaysa.

    Taliyii ayaa igu yiri xildhibaankaada arintaan u sheeg oo hayimaado. Waan tagay xildhibaan aan isku beel nahay ayaan raadiyay waan helay wixii dhacaybaan u sheegay wuu tagay ninkii reer Turki ayuu u tagay waala wadahadlay waxaa la isku Afgartay in waraaq cadayn ah oo sheegaysa in aanan dambiile ahayn laga keeno Hay,ada NISA lkn maxaa dhacay.

    Waxaa lootagay Taliyihii guud ee NISA waxaana sigooni gooniya ugu tagay una sheegay in waraaqdaas laga rabo muwaadin Soomaali ah oo latuhmay laguna waayay wixii looga shakiyay kulaabashada shaqadiisiina ay waraaqdaas ku xirantahay cadaynta ah . Lkn wuxuu sheegay in uusan waraaqdaas qoraynin cadayneynina in aan dambi lahayn .

    sikasta shaqadaydii sidaa ayaaan kuwaayay hada baaga muudo ayaan ahay maxaaa ila gudboon inta sxbul aqliga ah ayaaan waydiinayaa arintaas.


     

    Wadani.com

    Favori Garoonka Aaden Cadde Muwaadin NISA
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDAAWO SAWIRRO: Hub u socday Soomaaliya oo la qabtay
    Next Article WARBIXIN: Qarixii ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledweyne

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo