Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta lagu wadaa inuu yeesho kulankii ugu horeeyay muddo saddex toddobaad ah oo kulamadii Golaha Shacabka ay u baaqdeen sababo aan la shaacin.
Golaha shacabka oo loo gudbiyay in ka badan 20 hindise sharciyeed ayaa kulamadoodii gaabis noqdeen markii uu soo baxay kiiska sarkaalkii ONLF ee dowladda Soomaaliya u gacan gelisay Itoobiya.
Ajendayaasha ay xogheynta Golaha shacabka shaacisay inay maanta ka hadlayaan xildhibannada ayaa kala ah: Ansixinta heshiiska is-dhaafsiga maxaabiista Soomaaliya iyo India iyo akhrinta warbixinta Guddiga madaxabanaan ee xudduudaha.
Shirar u qorsheysnaa xildhibaannada ayaa muddo laba jeer ah u baaqday kooram la’aan, kadibna waxaa shirarkii Baarlamaanka gaabis geliyay guddoonka oo ka baaqsaday inuu wax shir ah ku dhawaaqo.