Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 29
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»AKHRISO: Qodobadda laga soo saaray shirkii Madasha Qaran ee Doorashada 2016

    AKHRISO: Qodobadda laga soo saaray shirkii Madasha Qaran ee Doorashada 2016

    June 4, 20164 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Heshiiskii Doorashada oo la isku mari waayay
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madasha Hoggaanka Qaran ayaa kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho 29-ka May ilaa 02-da June 2016. Kulanka oo uu shir-gudoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa ka soo qayb-galay; Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari; Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke; Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte; Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas; Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaan; Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan; iyo Madaxweynaha Galmudug, Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed.

    1. Madasha Hoggaanka Qaran waxay tacsi u dirayaan shacabka, qoysaska iyo eheladii ay ka baxeen mas’uuliyiin iyo xubno kale oo shacabka qiimo ku lahaa oo habeen hore ku shahiiday weerar argagixiso oo lagu qaadey mid ka mid ah hoteellada magaalada Muqdisho. Madashu waxay cambaaraynaysaa weerarada waxashnimo ee ee ay argagxisadu la beegsanayso shacbiga aana wax galabsan.
    2. Madasha Hoggaanka Qaran waxay soo dhaweysay xeerkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka soo saaray hannaanka geedi-socodka doorashada ee ay horay ugu heshiiyeen 12-kii Abriil 2016. Madasha Hoggaanka Qaran waxay mar kale ku celisay ballanqaadkeedii hore ee ahaa inay ka go’an tahay in ayan jiri doonin muddo kordhin lagu sameeyo muddo-xileedka uu dastuurku u xaddiday hay’adaha sharcidejinta iyo fulinta iyo in doorashooyinka ay dhacayaan xilliga loogu talo galay.
    3. Madasha Hoggaanka Qaran waxay ku heshiisay qaababka faahfaahsan ee hannaanka doorashada, oo ay ka mid yihiin waajibaadka shaqo ee Guddiga Heerka Federaal ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHD) iyo Guddiyada Hirgalinta Doorashada Dadban ee Heerka Dowlad Goboleed (GHDG). Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada (GXKHD) waxa looga hadlayaa fadhiga soo socda ee Madasha Hoggaanka Qaran ee 20-ka Juune ka dhacaya Baydhabo.
    4. Madashu waxay mar kale ku celisay inay ka go’antahay xaqiijinta ka-qaybgalka siyaasadeed ee haweenka iyo metelaadooda. Sidoo kale Madashu waxay isku raacday in la qaado tallaabooyin dheeraad ah oo kor loogu qaadayo ka-qaybgalka haweenka iyo metelaadooda. Madashu waxay soo dhawaynaysaa magacaabida uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadu u magacaabay guddi heer qaran oo u ololeeya taabagelinta iyo xaqiijinta in la gaaro qoondada loo xaddiday haweenka Somaliyeed.
    5. Madasha Hoggaanka Qaran waxay si guud isugu raacday in la sameeyo khariidad/tub siyaasadeed oo qeexan ee 2016 ilaa 2020, si loo xaqiijiyo gaaritaanka doorashooyin leh halbeeg caalami ah (qof iyo cod) oo dhaca marka la gaaro 2020.
    6. Madasha Hoggaanka Qaran waxay ku heshiisay in si dhakhsa ah loo dhiso Guddiga GFHD iyo Guddiyada GHDG, iyadoo la rabo in xubnaha guddiyadaas la soo magacaabo ugu dambayn 6-da bisha Juun 2016, shaqadooduna billaabaanto 10-ka bisha Juun 2016. Guddiga GFHD wuxuu u xilsaarnaan doonaa dejinta qorshe hirgelin oo faahfaahsan iyo jadwalka doorashada (kalandarka doorashada) iyo inuu ku dhawaaqo taariikhda ay dhacayaan doorashooyinka sannadka 2016. Guddiyada GHDG, waxey u xilsaarnaan doonaan, fulinta dhammaan howlaha doorashooyinka heer dowlad goboleed.
    7. Marka Guddiga Heerka Federaal ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ay ku dhawaaqaan natiijada kama dambeeysta ah ee liiska 275-ta xildhibaan waxaa kama dambeeynta saxiixaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda isaga oo ku soo saaraya faafinta rasmiga ah.
    8. Madashu, waxaa ay isku raacday in xubnaha ergada dooranaya halkii xildhibaan ee aqalka hoose ay noqdaan 51 xubnood, halka markii hore ay aheyd 50 xubnood.
    9. Ayadoo laga duulayo hehsiiskii horay loo gaaray ee ahaa in doorashada Xildhibaanada qaran ay ka dhacdo Xarumaha dowlad goboleedyada dalka ka jira, ayaa Madasha Hogaamiyayaasha qaranku si guud ugu heshiisay qeybinta xildhibaanada sida ku cad shaxda qaybinta xildhibaannada iyadoo saldhig looga dhigayo labadan qodob:
    1. Qaybinta xildhibaanadan waa qaybin ku eg doorashada 2016 kaliya.
    2. Qaybintani ma qeexeyso sida deegannada loo kala daganyahay, ee waa heshiis ku meel gaar ah oo ku salaysan 4.5, kuna eg xaaladda doorasho ee 2016-ka oo kaliya.
    1. Madasha, waxay si qotodheer u dul istaagtay liiska odayaasha 135-ka, waxayna dood dheer ka dib isla garteen in dhamaystirka liiska kama dambaysta ah lagu go’aansado shirka Madasha ee lagu qaban doono Baydhabo 20-ka bisha Juun 2016.
    2. Madasha Hoggaanka Qaran waxay go’aansatay in matalaada iyo maqaamka magaalada Muqdisho loo saaro guddi heer qaran ah oo ka kooban xubno ka kala socda heer federaal iyo heer maamul-goboleed, gudigaas oo ka soo talo bixin doona maqaamka gaarka ah ee caasimadda Muqdishu yeelanayso oo uu dastuurku tilmaamay. Gudigaasi wuxuu howshiisa ku soo dhamaystirayaa muddo lixdan maalmood gudahooda oo ka bilaabanaysa 4-ta Juun 2016.
    3. Madasha Hoggaanka Qaran dood dheer ka dib waxay si wada jir ah isugu raacday;
    4. Ansaxinta Siyaassadda Amniga Qaranka Soomaaliyeed (National Security Policy) oo ay xukuumaddu soo gudbisay.
    5. Dhisidda Gudiga Amniga Qaranka sida ku cad Siyaasadda Amniga Qaran.
    6. Madasha Hoggaanka Qaran waxay ku heshiisay in shirka soo socda ee Madasha lagu qabto magaalada Baydhabo oo xarun u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed 20-22-ka bisha Juun 2016.
    7. Madasha Hoggaanka Qaran waxay ugu baaqaysaa saaxiibada Soomaaliya ee caalamka inay taageeraan diyaarinta iyo hirgelinta hanaanka doorashada kuna qabsoonto waqtigii loogu talagalay.

    Wadani.com

    Doorashada 2016 Qodobo laga soo saaray Shirkii Madasha
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDowladaha Soomaaliya iyo Turkiga o kala saxiixday 9 heshiis oo iskaashi ah [DAAWO SAWIRRO]
    Next Article XOG: Madasha Qaran oo si qorsheysan u laashay qeybtii Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo