Shir kale ayaa dhowaan magaalada Muqdisho uga furmaya Madaxda dowladda Federaalka kuwa maamul Gobaleedyada, kaasoo fumi doona 6-da Bishan Febraayo.
Ajandayaasha Shirka ayaa la sheegay inay ka mid yihiin isla qodobadii looga hadlay shirkii ugu danbeeyay ee Madasha Qaran, waxaana shirkan si gaara u daneynaya beesha Caalamka oo dooneysa in la bilaabo dhaqan gelinta arrimaha ugu muhiimsan ee horyaalla dowladda Farmaajo.
Ajendayaasha shirka Muqdisho ee madaxda dowladda Federaalka iy kuwa maamul Goboleedyada waxay kala yihiin:
1 – Dhaqan gelinta dhismaha ciidamada Qaran
2 – Qeybsiga Kheyraadka Dalka
3 – Dib eegista Dastuurka
4- Dhaqangelinta Doorasho hal qof iyo hal cod ah oo dhacda sanadka 2020-ka
Waxay beesha caalamka dhaliil ka muujisay in Qodobadii kasoo baxay shirkii Muqdisho ee Maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka aanay wax badan ka hirgelin.