Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 13
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Galmudug»AKHRISO: Qodobadda Mooshinkii sababay in xilka laga qaado Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf

    AKHRISO: Qodobadda Mooshinkii sababay in xilka laga qaado Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf

    September 29, 20174 Mins Read Galmudug
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ujeeddo:-Soo Jeedin Xilka qaadis Madaxweeynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug.

    Anagoo ah Xildhibaanadda Ku saxiixan motion-kaan

    Kadib markii aan aragnay Qodobka 52-aad ee DDGM Farqadiisa 1aad oo sheegeysa in Golaha Sharci-dajinta Galmudug soo jeedin karaan Xilkaqaadista Madaxweynaha, marka uu ku sifoobo uguna Xad-gudbo si xun Dastuurka DGGM iyo Dastuurka JFS.

     Markaan aragnay qodobka 33-aad Farqadiisa 1-aad xarafkiisa (D) ee DDGM oo qeexaya awooda Golaha Sharci-dajinta ee ah Doorashada iyo Xil kaqaadista Madaxweeynaha iyo Kuxigeenkiisa.

     Sidoo kale Qodobka 2-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Sharci-dejinta GM Farqadiisa 1-aad Xarafkiisa (D) ee natusinaya Awooda Golaha Sharci-dajinta GM ee ku aadan Doorashada iyo Xil kaqaadista Madaxweeynaha iyo Kuxigeenkiisa.

     Kadib markaan hubinay in ku xad-gudubka Dastuurka Dowlad gobaleedka Galmudug iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu yahay dambi culus oo laga galay bulshada Galmudug iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed, uuna ku muteysanayo xilkaqaadis Mas’uul kasta oo ku xadgudba Dastuurka sida ku xusan Qodobka 1-aad ee Dastuurka Dowlasd Goboleedka Galmudug, Farqadiisa 3-aad.

    Xubnaha Barlamaanka Dowlad Gobaleedka Galmudug ee ku saxiixan Motion kaan, waxa ay soo jeedinayaan in kalsoonbida laga laabto Madaxweeynaha maadaama uu si cad ugu tuntay Dastuurka Galmudug iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, gaar ahaan qodobada soo socda. Qodobada uu jabiyay Madaxweeynuhu waxaa kamid ah.

     Madaxweeynuhu waxa uu jabiyay Qodobka 50-aad ee Dastuurka Dowlad Gobaleedka Galmudug Farqadiisa 9-aad oo sheegeeya in Maaxweynuhu u xil saaranyahay ilaalinta Dastuurka Galmudug iyo Dastuurka Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya.

     Qodobka 1-aad ee DDGM, Farqadiisa 3-aad wuxuu si cad u qeexayaa in Dastuurka Galmudug eey Saldhig u tahay Shareecada islaamka iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wixii intaa ka hor imaanayana ay yahiin wax kama jiraan, sidaa darteed Madaxweeynuhu waxa uu si cad ugu xad gudbay Dastuurka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, isaga oo warbaahinta ka cadeeyay artintaas 21/09/2017.

    Sidoo kale Madaxweeynuhu waxa uu si ula kac ah u jabiyay Qodobka 54-aad Farqadiisa, (A) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ee ka hadlaya kala qeybinta awoodaha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada kamidka ah Dowladda Federaalka.

     Wuxuu Jabiyay Qodobka 5-aad ee Dastuurka Galmudug Farqadiisa 2-aad kaasoo cadeeynaya isla xisaabtanka iyo wadatashiga 3-da Hay’adood ee Galmudug sidaa darteed taariikhdu markay ahayd21/09/2017 Madaxweeynuhu waxa uu si cad u hareer maray ku dhaqanka qodobka 5-aad waxuuna si aan ka leexasho laheeyn warbaahinta uga cadeeyay in uusa la tashaneyn hay’adaha kale ee Dastuuriga ah, uuna isagu leeyahay kaligii go’aan gaarista arimaha masiiriga Galmudug.

     Madaxweeynuhu waxa uu jabiyay Qodobka 6-aad ee Dastuurka Galmudug ee ka hadlaya Sareeynta Sharciga Farqadiisa 1, 2, iyo 3 oo ka noo iftiiminaya in Dastuurka Galmudug uu u hogaansanyahay Dastuurka JFS, Madaxweeynuhuna waxa uu si cad ugu tuntey qodobka 54-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya, kadib markii uu heshiis la galay Dowlado Shisheeye, una gacan dhaafey waajibaadkii ey laheyd Dowladda Dhexe ee Soomaaliya sida ku xusan Qodobka 54-aad ee aan soo sheegney, taasoo ay ka dhalatey jahwareer siyaasadeed oo uu u soo jiidey bulshada Galmudug iyo kala qeybsanaan hoggaankii Galmudug.

     Madaxweynuhu wuxuu si aan shaki lahayn u hareer marey qodobka 40-aad DDGM ee sheegaya xasaanadda Xildhibaanada DGM isaga oo ishortaag iyo faragelin ku sameeyey howlgudasha Baarlamaanka taariikh 23-26/09/2017  Sidoo kale wuxuu baal maray Qodobka 15-aad ee Xeer-hoosaadka DGM ee tilmaamaya Xasaanadda Xubnaha Golaha Sharci-dejinta.

     Madaxweeynuhu waxa uu ku tuntay Qodobka 9-aad Farqadiisa 1-aad iyo 2-aad ee Dastuurka DDGGM oo sheegaya in Qofkasta xaq u leeyahay Madaxbanaanida iyo Xoriyaddiisa,una qoran sidan {qofkasta waxa uu xaq uu leeyahay Xoriyaddiisa Shaqsiga ah iyo Nabad-gelyada Qofnimadiisa} iyadoo lawada ogsoon yahay in uu Xoriyaddii ka qaadey Guddoonka Baarlamaanka iyo Madxweyne ku xigeenka 25-26/09/2017.

     Madaxweynuhu 10/05/2017 iyo 20/06/2017waxa uu labadaan jeer ku Xadgudbey Qodobka 53-aad faqraddiisa 4-aad ee DDGM sheeganaya in aysan Madaxda afarta ahi mar qudha kawada maqnaan Karin Galmudug.

    Sida daraadeed Xubnaha Baarlamaanka sharafta leh waxaan marlabaad usoo jeedinayenaa in ay kalsoonida kala laabtaan Madaxweynaha Dowlad Gobleedka Galamudug mudane: Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

    Wabillahi Towfiiq.

    Galmudug Mooshin Xaaf
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAxmed Ducaale Xaaf oo soo saaray Wareegto uu ku magacaabayo Mas’uul cusub [Akhriso]
    Next Article Guddoomiye Thaabit: “AMISOM Magdhow ayay ka bixineysa Gaarigii shacabka ee KM 4” [Dhageyso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo