Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»AKHRISO: Qodobadda ugu muhiimsan Buugga ka Qeylisiiyey Trump ee uu Qoray Madaxii hore ee FBI-da James Comey

    AKHRISO: Qodobadda ugu muhiimsan Buugga ka Qeylisiiyey Trump ee uu Qoray Madaxii hore ee FBI-da James Comey

    April 17, 20185 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Fadeexooyinkan cusub ee dhanka ka ah madaxweyne Trump ayaa sida uu sheegay agaasimihii hore ee FBI James Comey waxaa ku jira mid la xiriirta in madaxweynuhu uusan niyad ahaan taam ahayn, ayna dhici karto inuu cadaalad is hor taagay.

    Waraysi uu la yeeshay TV, ka hor buug uu Talaada shaacin doono, ayuu sidoo kale ku sheegay in Ruushka ay dhici karto inay sir ka hayaan Trump oo ay ku adeegsadaan inay ku handadaan.

    Buugga oo lagu magacaabo “A Higher Loyalty: Truth, Lies, and Leadership“ ayaa madaxweyne Trump kala mid dhigaya sidii nin madax u ah Maafiyo, iyo faahfaahin ku saabsan inuu ka caado yeeshay xiriirka dumar jirkooda ka ganacsada oo jooga magaalada Moosko.

    Twitter ayuu Mr Trump ku soo qoray “James Comey simbiriirixday”, wuxuuna sheegay inuu been u sheegay koongareeska.

    1. ‘Aan Maskax ahaan taam ahayn’

    ABC News ayaa sii deysay qoraalka waraysiga oo ka kooban 42,000 oo kalmadood. Wariyaha barnaamijka 20/20 waday, George Stephanopoulos, ayaa Mr comey waraystay habeennimadii Axadda.

    Markii la weydiiyey inuu Mr Trump u arko inuu yahay nin taam ah inuu wax hogaamiyo, ayuu sheegay agaasimihii hore ee FBI inuusan rumaysnayn sheegashooyinka caafimaadka maskaxed ee Mr Trump, laakinse uu u arko nin aan niyad ahaan taam ahayn inuu madaxweyne noqdo.

    “Shakhsi u arka in wixii ka dhacay Charlottesville ay yihiin wax niyad ahaan la qaadan karo, oo uga hadla ulana dhaqma dumarka sidii inay yihiin gaballo hilib ah, oo wax kasta, yar ama weyn, si joogto ah uga been sheega, kuna adkaysta in dadka Ameerikaanku rumaystaan, qofkaas taam uma aha inuu noqdo madaxweynaha Maraykanka,” ayuu ku yiri Mr Stephanopoulos.

    Mr Comey wuxuu ka hadlayey dooddii uu madaxweynuhu ka yiri “labada dhinacba” inay ku khaldanaayeen rabshadihii qolyaha aamisan sarraynta dadka caddaanka ah ee Charlottesville, Virginia, sannadkii hore.

    Image result for higher loyalty

    2. Is hortaag caddaalad

    Qayb kale oo waraysiga ah ayaa lagu soo qaaday la taliyihii amaanka qaranka ee shaqada laga eryey Febraayo 2017, Michael Flyyn, ka dib markii uu ka been sheegay xiriirro lala sameeyey safiirka Ruushka ee Washington.

    Agaasimihii hore ee FBI wuxuu sheegay in Mr Trump uu isku dayey inuu cadaadis ku saaro inuu ka haro wixii baaritaan ah ee ku socda Mr Flyyn. “Waxaan u qaatay amar” ayuu ku yiri Stephanopoulos.

    “Xaqiiqadii waa caddayn ah is hortaagid cadaalad. Waxay ku xiran tahay – aniguna kiiskan markhaati ayaan ka ahay, kamana ihi baare ama dacwad ooge, waxay ku xirnaanaysaa arrimmo kale oo muujinaya damaciisa”.

    Mr Trump wuxuu aad u beeniyey arrintaas uu Mr Comey soo qaaday.

    3. Mooshin xil ka qaadis

    In kastoo ay arrimahaas jiraan misna Mr Comey ma qabo in madaxweynaha dacwad lagu oogo. “Waxay ila tahay in dacwad lagu oogo oo xafiiska laga qaado Donald Trump waxay dadka Ameerikaanka ka saaraysaa dhibaatada” ayuu ku yiri Stephanopoulos.

    Taa beddelkeeda wuxuu rumaysan yahay in dadka Maraykanka ay “waajib ku tahay” inay Mr Trump iskaga leexiyaan “si toos ah” ayagoo adeegsanaya codkooda doorashada.

    Qoraalka qudhiisa ayuu Mr Comey la barbar dhigay Mr Trump sidii inuu yahay nin madax u ah koox dambiileyaal ah.

    4. Baaritaanka E-maillada Clinton

    Waraysiga wuxuu ku sheegay Mr Comey in rumaysnaanta uu rumaysnaa in Hillary Clinton ay ku guulaysanayso doorashadii madaxtinimada ee 2016 ay qayb ka ahayd sidii uu u maamulay qaabkii ay u isticmaashay emailladeeda gaarka ah xilligii ay ahayd xoghayaha arrimaha dibadda.

    “Waxaan ka shaqaynayey duni Hillary Clinton ay ka guulaysanaysay Donald Trump” ayuu yiri Mr Comey. “Sidaa darteedna waxaan hubaa inay qayb ka ahayd.

    Ma garanayo sida loo dhigayo laakin sidaa ayey ahayd. Waxay ahayd in ayada loo dooran doono madaxweynenimada, haddii aan tan ka qariyo dadka Ameerikaankana ay sharci darro noqonayso marka la doorto, marka ay soo baxdo”.

    Bishii Luulyo 2016, Mr Comey wuxuu sheegay in Hillary Clinton ay “taxadar la’aan weyn” samaysay, taasoo ku saabsan sidii ay u isticmaashay emailladeeda, laakinse aysan FBI-du dacwad ku soo oogin.

    5. Dumarka jirkooda iibiya ee Moosko

    Agaasimihii hore ee FBI wuxuu sheegay in ugu yaraan afar goor uu Mr Trump soo qaaday arrin aan la xaqiijin oo ah inuu toos u daawaday dumar jirkooda iibiya oo fuxshi ku samaynaya hotel ku yaalla Moosko, mar uu halkaa socdaal ku joogay 2013.

    Arrimahan ayaa ku soo baxay qoraal mukhaabaraadku hayaan oo aan weli bislayn, kaasoo uu uruuriyey basaas hore oo Ingiriis ah oo ay kiraysteen qolyo ay cadaawad kala dhaxaysay Mr Trump, si loo soo qufo ceebihiisa.

    Mr Comey wuxuu sheegay in Trump uu si caro leh u beeniyey, uuna ka dalbaday in FBI-du ay wax-kama-jiraan ka soo qaaddo bacdamaa ay dhibaato ku yihiin xaaskiisa, Melania Trump.

    Wuxuu qoray in arrinta lagu soo qaaday kulan ka dhacay Trump Tower, Janaayo 2017, in yar ka hor caleema saarkii madaxweynaha.

    6. Gacmaha iyo timaha Trump

    Mr Comey oo dhererkiisu yahay 6ft iyo 8in wuxuu sheegay in markii ugu horraysay ee uu la kulmay madaxweynaha oo dherekiisu yahay 6ft iyo 3in, inuu u muuqday sidii inuu ka gaaban yahay marka laga arkayo Tvga.

    “Wajigiisu wuxuu u yara muuqday mid oranje ah” ayuu qoray Mr Comey, “oo indhaha hoostoodana ku leh laalaabyo aad u muuqda. Waxaan u qaatay inuu xiran jiray ookiyaaleyaal yaryar, oo timihiisana laga sii shaqeeyey kuwaasoo leh midab dahabi ah oo ifaya, oo marka aad u dhawaato aad arkayso inay yihiin kuwo run ah oo aan gacan ku samays ahayn.

    Markii uu gacanta soo taagay ayaan maskaxda ku sii qortay dhumucdiisa. Wuu iga yaraa xajmi ahaan, laakin ma ahayn si qayrul caadi ah” ayuu yiri.

    A Higher Loyalty: Truth and Leadership Donal Trump James Comey Lies Trump US
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCiidamada Dowladda Suuriya oo sheegay inay soo rideen Gantaallo lagu soo weerarray Saldhig Ciidan
    Next Article Dowladda Qatar Basaska waaweyn ugu deeqday Maamulka Gobolka Banaadir & Maamul Goboleedyada [Sawirro]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo