Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»AKHRISO: Qodobadda ugu muhiimsan Sharciga Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliya

    AKHRISO: Qodobadda ugu muhiimsan Sharciga Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliya

    August 12, 20175 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Sharcigan isgaarsiinta qaranka oo ka soo gudbey Wasiirrada iyo golaha shacabka, haatanna maraya aqalka sare, waxaa uu ka kooban yahay 70 qodob, waxaana ugu muhiimsan dhismaha hey’adda isgaarsiinta qaranka iyo sharciyada ay ku shaqeyn doonaan.

    Awoodaha Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka waxaa ka mid ah: Awoodda maamulka isgaarsiinta sida rukhsad bixinta, waxaa ay geli kartaa heshiisyo, waxaa yeelan kartaa, heysan kartaa ama kireysan kartaa hantida guurtada ama ma guurtada ah si waafaqsan sharciga maaliyadda, Talo bixin, Canshuuraha, talo bixinta tariifadaha, lambarada iyo kobcinta tartanka isgaarsiinta, Xallinta khilaafaadka shirkadaha, ilaalinta xuquuqda macaamiisha sida sirta macaamiisha, tariifada adeegga, helidda adeegga iyo diyaarinta habka loo bixinayo shatiyada.

    Waa Hey’ad madax bannaan oo leh shakhsiyad qaanuuni ah, waxaa ay maamul ahaan hoos tagtaa wasiirka wasaaradda isgaarsiinta, sidoo kale miisaaniyadeeda waxaa ay ka mid noqoneysaa miisaaniyadda guud ee dowladda.

    Hey’adda Isgaarsiinta waxaa ay ka koobnaan doontaa: Hey’adda maamulka(board of directors), Maareeye guud, maareeye ku-xigeen iyo waaxyo kala duwan.

    Dhanka Maamulka: Waa 9 xubnood, 2 xubnood oo wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta ah, 4 xubnood oo shirkadaha isgaarsiinta ah, 1(hal) qareen oo ka socda xafiiska garyaqaanka guud, Maareeye iyo ku xigeenkiisa, Xoghaynta hey’adda waxaa noqonaya madaxa waaxda maamulka, hey’addan maamulka waxaa kale oo ay iska dooran doonaan qofka noqonaya guddoomiyaha hey’adda 4tii sanada mar.

    Mas’uuliyadaha Hey’adda waxaa ugu muhiimsan: Meelmarinta miisaaniyadda, la socodka dhaqan gelinta sharciga, ansixinta shaqaale qorashada iyo in ay wasaaradda u gudbiyaan warbixin la xiriirta qaabka maamulka hey’adda.

    Shuruudo: Waxaa ka mid noqon kara qof kasta oo Soomaali ah, deggen dalka, da’diisu aysan ka yarayn 30 sano, dhimir ahaan fayo-qab yahay, uusan laheyn fal-dembiyeed, leeyahay xirfad aqooneed heer jaamacadeed ugu yaraan 5 sano, waa in uu leeyahay labo ka mid ah xirfadahan: Aqoonta sharciga, aqoonta arrimaha macaamiisha, aqoonta isgaarsiinta, aqoonta Tecknolojiyadda casriga iyo aqoonta maamulka iyo dhaqaalaha.

    Iska hor-imaadka Danaha is-diidan: Madaxda sare ee hey’adda iyo cid kasta oo ka tirsan shaqaalaha waxaa ka reeban ka shaqeynta arrin ka hor-imaanaysa go’aan-ka-gaarista arrinta laga hadlaayo sida: danaha dhaqaale ee gaarka ah, danaha dhaqaale ee la xiriira xaasaskooda, qof ka mid qoyskooda iyo qaraabadooda, dano dhaqaale hey’ad uu saami ku leeyahay, hey’ad uu u shaqeeyo..haddii arrimahaas dhacaan waa labo midkood: inuu ka cudur-daarto ka qeyb-galka go’aannada arrimahaas ama inuu iska wareejiyo isaga oo sheegaya sababta.

    Bixinta Hirarka: Hey’adda waxaa ay qorsheyneysaa isla markaana maamuleysaa shaxda qoondada iyo bixinta hirarka qaranka, waxaa ay aqoonsaneysaa hirarka isgaarsiinta hey’adaha hadda jira horay u isticmaaleen ayada oo la waafajinayo sharciga, waxaa hirarka la siinayaa: hey’adaha amniga qaranka, dab-demiska, hey’adaha warbaahinta iyo shirkadaha isgaarsiinta.

    Dhanka Rukhsadda: Hey’adda ayaa bixineysaa ayada oo ku bixineysa muddo cayiman, waxaa go’aan lagu gaarayaa 14 maalmood oo maalmo shaqo ah, qiimaha waa xadidaya hey’adda isgaarsiinta qaranka, waxaa kale oo shirkadaha laga doonayaa in ay cusbooneysiiyaan rukhsadda inta aaney dhicin, waxaa xusid mudan in hey’adda isgaarsiinta qaranka awood u leedahay in rukhsadda la noqoto.

    Go’aannada Hey’adda waa in ay ku saleysan yihiin daah-furnaan, hey’adda waxa ay ogolaaneysaa in shirkadaha ka qeyb noqdaan wada tashiga, arrinta kasta waxaa ay ku soo saareysaa qoraal, go’aannada hey’adda waxaa ay noqon karaa tallaabo walbo oo la jaan-qaadi karta duruufaha dalka, waxaa ay diidi karaa codsi kasta oo ka hor imaanaya sharciga.

    Dhibbane: Cid kasta oo ku noqota dhibbane sabab la xiriirta tallaabooyinka iyo go’aannada hey’adda isgaarsiinta, waxaa ay codsan karaa dib-u-eegis, cid kasta oo waxyeello ka soo gaarto go’aanka hey’addan waxaa ay ay racfaan u qaadan karaan maxkamad awood u leh.

    Dhanka wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, waxaa laga doonayaa in ay soo diyaariso siyaasadda guud iyo qorshaha isgaarsiinta, istaraatiijiyad lagu fulinayo baaxadda adeegga isgaarsiinta, dhiiri-gelinta shirkadaha isgaarsiinta wadaniga ah, kormeeridda iyo la-xisaabtanka hey’adda isgaarsiinta qaranka, wacyigelinta bulshada ee macluumaadka isgaarsiinta, ilaalinta habsami u socodka adeegga isgaarsiinta iyo Internet-ka, kormeeridda shirkadaha isgaarsiinta.

    Wasiirka Isgaarsiinta waxaa uu leeyahay: Sameynta, kormeerka iyo go’aan-qaadashada siyaasadda guud ee isgaarsiinta dalka

    La gor-gortanka iyo dhaqan-gelinta heshiisyada isgaarsiinta caalamiga ah ee lagu galo magaca Soomaaliya, U matalidda Soomaaliya goloyaasha caalamiga ah iyo caawinta hey’adda ee dhanka hawl-galka iyo helidda dhaqaale lagu hormariyo qeybaha.

    Qorshaha Lambar-bixinta Qaranka: Waxaa reeban in la isticmaalo lambarada qaranka, iyada oo aan loo heysan rukhsad ay bixisay hey’adda isgaarsiinta qaranka, furaha qaranka ee 252 iyo sumadda qaranka dot So(domain) waa hanti dowladduu leedahay, waxaana u xil saran hey’adda isgaarsiinta qaranka, hey’adda isgaarsiinta qaranka ayaa qoondeyneysa qaabka loo isticmaalayo lambarada dalka, hey’adda waxaa ay leedahay awood ay ku ilaaliso, kuna sameyso xeer nidaamiye habka loo isticmaalo qorshaha qoondeynta iyo bixinta Lambarada qaranka, adeeg bixiyeyaasha waxaa ay xaq u leeyihiin in ay helaan lambaro ku filan baahidooda si ay u bixiyaan adeegga isgaarsiinta, waxaa kale oo sharciga ku xusan hab qeexaya diidmada qeyb ama dhammaan codsi la xiriira isticmaalka lambarada iyo diiwaangelinta shabakadaha bixiya adeegga Internet-ka  haddii ay dhacaan: codsaduhu aanu heysan rukhsad uu ku bixin karo adegga, codsigiisu aanu waafaqsaneen qorshaha ama qoonada iyo haddii ujeedada isticmaalka Lambarka la codsaday ay halis ku yihiin jiritaanka shirkadaha isgaarsiinta iyo amniga qaranka sida Khiyaano.

    Dhanka Tartanka Suuqa: Waa tartan ganacsi oo xor ah, hey’adda ayaa iska leh kormeerka iyo go’aan ka gaarista tayada adeegga, waxaa ka reeban rukhsadle kasta oo bixiya adeeg isgaarsiineed oo ay hey’adda ogolaatay, inuu ku kaco fal ujeedadiisu tahay in lagu waxyeeleeyo tartanka suuqa xorta ah ee isgaarsiinta dalka, haddii lagu helo waa la ganaaxayaa, waxaana loo gudbin karaa maxkamad, waxaa kale oo la fiirinayaa anshaxa isticmaalka adeegga ay shirkadaha bixiyaan, waxaana waajib ah in la ilaaliyo amniga qaranka, waxaana la farayaa shirkadaha in ay diiwaan-geliyaan dhammaan dadka iska leh lafaha(SIM Cards) Telefoonada, si loo sugo milkiyadda iyo xuquuqda gaarka ah.

    W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,

    Baarlamaanka Isgaarsiinta Qodobadda Sharciga Isgaarsiinta Sharciga isgaariinta
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleOlole lagu doonayo in xilka looga qaado Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka socda Jowhar [Daawo]
    Next Article Dowladda Soomaaliya oo Hub iyo Saanad u gudbisay Sheekh Mukhtaar Roobow

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo