Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»AKHRISO: Qodobaddii kasoo baxay Shirkii maanta ee Golaha Wasiirada Soomaaliya

    AKHRISO: Qodobaddii kasoo baxay Shirkii maanta ee Golaha Wasiirada Soomaaliya

    June 22, 20172 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Khayre.

    Arrimaha diirada lagu saaray shirkan waxaa ka mid ahaa ansixinta Shuruucda Isgaarsiinta iyo La-Dagaalanka Argagaxisada iyo arrimo kale.

    Ra’iisul Wasaaraha oo furay shirka ayaa sheegay in Xukuumadu ay ahmiyad gaar ah siineyso sidii dalka u yeelan lahaa shuruucda muhiimka u ah dowlad wanaaga.

    Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyn si kulul u cambaareeyey Qaraxyadii argagaxisada ay ku bartilmaameysanayeen shacabka, ee kii maanta wadada Makka Al-Mukarama iyo tii xarunta degmada Wadajir. Golaha ayaa shacabkii ku geeriyooday EEBBE uga baryey inuu Jannadii Fardowza ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna EEBBE u sahlo dhaawacooda. Golaha ayaa Dowlada Sucuudiga uga mahadceliyey dhaawacii dalka Sacuudiga loo qaaday.

    Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoloojiyada ayaa Golaha Wasiirada warbixin ka siiyey Hindise Sahrciyeedka Isgaarsiinta, doorarka uu soo maray iyo muhiimada uu dalka u leeyahay. Wasiirka ayaa sheegay in wadatashi dheer oo lala sameeyey shirkadaha Isgaarsiinta, Wasiirada Dowlad Goboleedyada iyo qeybaha ay khuseyso in la soo diyaariyey Xeerka Isgaarsiinta oo faa’iido weyn u leh shirkadaha isgaarsiinta, shacabka isticmaala adeegyada isgaarsiinta iyo shacabka guud bacdamaa dowladdu heleyso dakhli ka soo gala canshuurta isgaarsiinta. Dood dheer ka dib ayey Golaha Wasiirada si wadar-oggol ah ku ansixiyeen Hindise Sharciyeedka Isgaarsiinta oo dhowaan loo gudbin doono Golaha Shacabka.

    Wasaarada Garsoorka ayaa golaha wasiirada horkeentay Hindise Sharciyeedka La Dagaalanka Musuqmaasuqa oo muhiim u ah dowlad wanaaga, isla xisaabtanka iyo kordhinta dakhliga dowlada. Dood dheer ka dib ayey Golaha Wasiiradu si wadar-oggol ah ku ansixiyeen Sharcigan oo dhowaan la horgeyn doono Baarlamaanka.

    Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah oo sharciyo muhiim u ah dalka la ansixiyey, lana rajeynayo in shuruucda harsan dhowaan la horkeeni doono golaha wasiirada. Ra’iisul Wasaarahaa ayaa wasiirada ku booriyey inay soo dedejiyaan Hindise Sharciyeedyada ay ku howlan yihiin si Xukuumada ay u gudato waajibaadka loo igmaday, dalkana loo gaarsiiyo doorashooyin hal cod iyo hal qof ah.

    —-DHAMMAAD—-

    Golaha wasiirada Ra'iisal wasaare Kheyre xukuumadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSharciyadii ugu adkaa oo lagu ansixiyay Shirkii Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya [Akhriso]
    Next Article Blackwater founder’s FSG signs security deal with Somali region of South West State

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo